Author Topic: Daawooyinka Ay Dhalinyartu Isku Maandooriso!!  (Read 30147 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Daawooyinka Ay Dhalinyartu Isku Maandooriso!!
« on: August 22, 2017, 02:27:33 PM »

Bismillah,

Casharkeenu maanta waxaan ku soo qaadanayaa musiibo ka mid ah masiibooyinka haysata dhalinyar badan oo bulshada ku dhex nool. Waa dhalinyarta daawooyinka u adeegsato maandooriye ahaan.

Waxaan qoraalkaan ku soo gudbin doonaa xog badan oo aan ka soo aruuriyay dhalinyaro badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho oo isticmaala daawooyinka daroogada ah iyo waalidiin dhalay caruurtaasi qaar ka mid ah.

Daawooyinka ugu badan ee dhalinyartu isticmaasho:
  • Tramadol: waa xanuun baab'iye xoog badan, loona isticmaalo xanuunka daran ee ka dhasho xaaladaha halista ah sida kansarka, dhaawacyada iyo qalliimada, wuxuu ka tirsan yahay koox daawo ah oo loo yaqaano "Opiates", waana daawo laga ilaaliyo in lagu gado xarumaha bukaan socodka maadaama dadku qabatimi karaan oo daroogo ahaan loo isticmaali karo, daawooyin kale oo isla kooxdaas ka tirsan, daroogo ahaanane loo isticmaalo ayaa jira sida: Pethidine, Codeine, Methadone, Morphine, Heroin iyo Oxycodone, kulligood waa daawooyin maandooriyaal ah, wayna kala awood badan yihiin. Daawooyinkaan waxay ku yimaadaan kaniin ahaan, sharoobo iyo cirbad, laakiin Tramadol-ka ayaa laga helaa farmashiyada badankood, wuuna ugu raqiisan yahay, dadka isticmaalane waxay aaminsan yihiin inuusan dhib ku hayn caafimaadka. dhalinyartu waxay daawooyinkaan u isticmaalaan si ka badan xadkii loogu talagalay, waxayna isticmaalaan iyagoo aan wax xanuun ah aan dareemaynin, taasi ayaa keenayso in qofka uu dareemo sarkhaan ama inuu doorsoomo, mar walba marka ka sii dambaysane wuu la qabsanayaa daawada oo wuxuu u baahan yahay inuu kordhiyo, waxyeellada daawadaan waxaa ka mid ah inay dhaawacdo beerka iyo kilyaha, ku fakaris isdil, qofka oo kontaroolka ka lumo (isku-kaadsho / isku-saxaroodo isagoo hurda) haddii xad dhaaf loo isticmaalane qofka wuu qallalaa, wadnaha ayaana si kadis ah ku istaago, waana arrin ay ii xaqiijiyeen dhalinyartaasi inay garanayaan dhalinyaro sidaa u dhimatay.
  • Diazepam: waa dajiye, hurdo lagu helo, laguna daaweeyo bukaanada qallalka qaba, waxaa kaloo loo yaqaanaa magaca "Valium", dhalinyartu waxay u isticmaalaan maandooriye ahaan, waxayna ii sheegeen in wax badan laga isticmaalo, kadibne qofka iska ilaaliyo inuu hurdo isagoo fadhiisanayo meel dabeyl ah ama sameynayo shaqo u diidayso inuu hurdo, markaasne uu galayo xaalad u dhaxayso hurdo iyo soo jeed mid u dhaxaysa, midda kale waxay daawadaan la cunaan wax niyadda kiciyo oo lid ku ah sida qaadka / jaadka iyo daawooyinka kiciyaha ah sida kaniiniga Ephedrin, qofka markuu isku cuno qaad iyo diazepam ama Ephedrine iyo Diazepam maksaxdu way wareeraysaa oo qofka wuxuu galayaa xaalad sarkhaan, waxayna ii sheegeen in kuwa nuucaan ah ee la isku qaadanayo ee u yaqaanaan "Jiif iyo joog" oo ay ka wadaan in la isku qaato midkii jiifka iyo midkii soojeedka, waxyeellada daawadaan waxaa ka mid ah in neefsashadu ay si kadis ah ku istaagto, qofkane galo xaalad loo yaqaano "Respiratory Arrest" waana sababta ugu badan ee dhalinyarta qaabkaan isku maandoorisa ay u dhintaan. daawadaani waxay isku shaqo yihiin kuwa badan oo isla dhalinyartu isticmaasho sida Librium, Xanax IWM laakiin Diazepam ayaa ugu caansan.
  • Promethazine / Phenergan: waa daawo sadaxaad ee dhalinyartu ugu isticmaal badan yihiin, waxayna u yaqaanaan "Fargan" waa daawo loogu talagalay allarjiga, lalabada iyo hurdo la'aanta, waxaa kaloo jirta iyadoo lagu daray daawadii kor aan ku soo xusay ee ahayd "Codeine", oo iyadane loo isticmaalo maandooriye ahaan, markii wax badan laga qaato sharoobadaas isku-dhafka ah, qofka wuu ku sarkhaamaa. waxaa kaloo jirta iyadoo daawada farganka oo lagu daray daawada "Ephedrine" oo lagu daaweeyo dadka wareero oo matago markay gawaarida raacaan, waxayna dhalinyaradaan u isticmaalaan maandooriye ahaan. asal ahaan daawada farganka waxaa loo isticmaali jiray dadka maskaxda ka jiran ama waallida qabo, laakiin waxaa lagu badalay daawooyin ka dhib yar, waxyeellada daawadaan waxaa ka mid ah inay keento qallal, nuuc waallida ka mid ah iyo in naqaska ku dhego qofka oo hurda, marka dhalinyarada daawadaan aad u isticmaasho iyagoo dhintay ayaa sariirta laga soo qaadaa subaxdii.
  • Ephedrine: sidaan kor ugu soo sheegay, daawadaani waa niyad kiciye "Stimulant" sidii qaadka oo kale, asal ahaan waxaa loo isticmaali jiray xiiqda / neefta / sanboorka. laakiin maadaama waxyeello badan yeelay, daroogo ahaanne loo isticmaali karo waa laga mamnuucay dunida badankeed, waana la joojiyay laakiin nasiib xumo waxaad ka heli kartaa farmashiyada dalka ka jira waxayna dhalinyartu u isticmaashaa maandooriye ahaan iyagoo kaligiis isticmaala ama la cuna daawooyin kale oo lid ku ah sida aan kor uga soo hadlay, waxyeellada ugu daran ee daawadaan loogu dhinto waa wadne qabad (Heart Attack) iyo Faalijka (Stroke).

Daawooyin intaa ka badan ee dhalinyartu isticmaasho way jirtaa, laakiin kuwaas ayaa ugu caansan.

Sidee dhalinyartu u barataa daawooyinka daroogada ah?
Waa muhiim in waalid walba uu la socdo, kana ilaaliyo caruurtiisa waxyaabaha u keeni kara inay isticmaalaan daawooyinkaan, kuwaasoo noloshooda halis gelin kara ama ka dhigi kara qof nolosha ka dhacay oo waalidka laftirkiisa halis ku noqon kara.
  • Ciyaartoyda: Dhalinta ugu badan ee isticmaasha daawooyinkaan waa kuwa sport-ka ciyaara ama la saaxiibka ah, maadaama juhdi dheeraad ah la bixinayo qofkane uu rabo inuu guul soo hoyo waxay isticmaalaan daawooyinka xanuun baab'iyeyaasha ee kor ku xusan iyo kuwa niyadda kiciyo, waxaana laga isticmaalaa qaddar aad u badan, kadibne daroogo ayay isku badashaa qofkane kama maarmi karo.
  • Daaweynta: Waxaa jira dad badan oo ay dhakhaatiirtu u qortay daawooyinkaan laakiin iyaga si qalad ah u isticmaalay ama xad ka bax ah, kadibne qabatimay oo daroogo ahaan u isticmaalo.
  • Muruq-maalka: Dadka ka shaqeeyo howlaha culus sida xammaalka aad ayay u isticmaalaan iyagoo aaminsan in culeyska uusan saameyn ku samaynayn jirkooda, laakiin aqoon darro awgeed ma ogo in maskaxda ay hilmaansiinayaan dareenkii xanuunka, kadibne qofka uusan shaqaysan karin daroogo la'aantaas. waxyaabaha aan la yaabay ee dhalinyartu ii sheegtay waxaa ka mid ah in dadka qaar ay siiyaan shaqaalaha u shaqeeyo si aysan shaqada uga daalin!!.
  • Caruurta qurba joogta: Caruur badan oo dalka la keenay si loo dhaqan celiyo ayaa si fudud ku helo daroogo sharciyeysan, waxayna bareen kuwii la saaxiibka ahaa, kuwaasoo u badan qaraabadooda.
  • Asxaabta xun: dhalinyarta shaqo la'aanta ah oo waxbarashada ka haray aad ayay ugu sahlan tahay inay bartaan daawooyinkaan iyagoo la saaxiibo dhalinyarta wareersan ee xaafadda la dagan ama ay isla ciyaaraan.
  • Balwadda: Dhalinyarada leh balwadda khaasatan qaadka, aad ayay u isticmaalaan daawooyinkaan iyagoo shaaha ama cabitaannada ku qasto si ay ula isticmaalaan qaadka / jaadka. waana arrin aad ugu badan dhalinyarada qaadka cunto, akhriso qoraal aan hadda ka hor uga hadlay dhibaatada qaadka uu ku hayo bulshada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1085.0
  • Gabdhaha / Haweenka: dumarka ugu badan ee isitcmaala daawooyinkaan waxaa u badan kuwa qaadka cuna ama shiisadda caba ama la haasaawa kuwa daawooyinkaan isticmaalo.

Digniin ku socoto bulshada:
Arrintaan waxay dhibaato baaxad leh ku haysaa qoysas badan oo aan garanayn meel ay wax ka bilaabaan, nasiib xumo kuwaasi waa kuwa dhif ah sababtoo ah waalidiinta badankood aqoon uma lahan waxa ay caruurtoodu isticmaasho, dhalinyaraduna way iska ilaalisaa in la ogaado iyagoo samaystay magacyo sarbeeb ah oo ay ula baxeen daawooyinkaas sida: "Kii" "Saaxiibkeey" "jiif & joog" "Anaa gar leh" Aabo ii daa" "Anigaa ku wato" iyo magacyo kaloo badan. Dhibka kale ee muuqdo waa daawooyinkii sharci darrada ahaa in bulshada lga gado oo oo si sahlan dhalinyaradii ku heli karto, weliba iyagoo loo qarinayo ama waalidkood aan lala socodsiinaynin, waxaa intaa sii dheer iyagoo aan laga wacyi gelinayn ama aan loo sheegeyn dhibaatada ay leedahay daawooyinkaas iyo iyadoo wadanka uusan ka jirin siyaasad lagu xakameeyo daawooyinkaas, waxaa intaas ka sii daran iyadoo aysan jirin xarumo lagula tacaalo dhalinyaradaan ku walfay ama qabatimay daroogadaan.

Waxaan la yaabay:
Arrintaan heerka ay gaarsiisan tahay iyo wacyi la'aanta ka jirto, waxaan ka loo la yaabay sida dhalinyarada u yaqaanaan ugana sheekeynayaan sida daawooyinka la isugu daro si loo sarkhaamo, daawooyinkaasoo qaarkood xitaa loo qaadanayo si aan loogu talagalin, Tusaale ahaan: waxay ii sheegeen daawo dadka lagu suuxiyo markay qalliinka galayaan oo cirbad ahaan dadka loogu duro, lagana helo isbitaallada kaliya in qaarkood ay cabaan si ay u sakhraamaan.

Talada SomaliDoc:
Waxaan Alle ka baryayaa in caruurteena ka badbaadiyo dhibaatadaas, waalidkii dhibkaan la nool inuu Alle ka qaado, caruurtaasne uu soo hanuuniyo, iima muuqato xal degdeg ah oo arintaan lagu xakamayn karo waqtigaan la joogo, laakiin waa in wacyi gelinta la badiyaa, waalidkane uu caruurtiisa ka war hayo lana saaxiibo. Qofkii aan weli isticmaalin daawooyinkaan ha iska ilaaliyo inuu daawo ahaan u qaato. Fadlan qoraalkaan waa wacyi gelin ee la wadaag qof walba oo aad garanayso si waalidka u ogaado halista caruurtiisa ku soo fool leh, dhalinyartuna u ogaato halista waxyaabaha ay isticmaalayaan. "Ilaahayow dal nabad qaba iyo dad caafimaad qabo".

Wixii faahfaahin aad uga baahan tahay qoraalkaan ama talooyin dheeraad ah, si toos ah dhakhtarka ugala xiriir boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 26459
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: XANUUN MEESHA DHAXDA AH EE KU AADAN XUDUNTA ILAA ISKU WEERKA OO DHAN?

Started by SiihaamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21462
Last post April 26, 2011, 06:57:47 PM
by Drkheyre
Guurka Lamaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Ma U Sabab Baa Cilad Ku Dhalashada Ilmaha?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 44021
Last post October 16, 2011, 04:39:29 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47814
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29382
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc