Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Koloriinka wax lagu nadiifiyo iyo uurka?

(1/1)

Cabaan5:
Asalamu caleykum marku hore waa mahadsantihiin waxaan su aalayaa dhaqtarka waxaan maqlay koloriinka wax lagu nadiifiyo haday u isticmaasho gabar uur leh inay wax ku nadiifiso inay halis caafimaad kasoo gaari karto ilmaha uurka ku jira sida inay dilmaan ama xanuun ay ka dareento marka maxaa karun ah
                   MAHADSANID

CilmiSabca:
Kalooriinta (Chlorine) waa maado loogu talo galay in wax lagu nadiifiyo, sida biyaha, guryaha iyo alaabta IQK.
Koloriinta haddii ay hawlaha nadaafadda u isticmaasho haweeney uur leh, waxaa lagula taliyaa in ay isticmaasho xaddi caadi ah, wax dhib ahna ma leh.
laakiin, waxaa la sheegaa in ay dhibaatooyin kala duwan la kulmi karaan dumarka uurka leh; haddii ay isticmaasho xaddi aad u badan oo kalooriin ah, sida in ay gasho barkad biyo ah ama pool lagu shubay kalooriin xaddi badan ah, ama in ay dusheeda marsato (haweenka isticmaala kareemyada jirka iyo timaha waa in aysan isku dhaweyn maadada kalooriinta)
# Dhibaatooyinka la sheego waxaa ka mid ah in ay haweenka uurka leh haddii ay istimaasho kalooriin xaddi badan muddo joogto ah, in ay la kulanto ciladdo dhinaca uurka ah.
Ogow isticmaalka caadiga ah, wax dhib ah ma leh.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version