Author Topic: Su'aal: Xifdiskaygu weligiiba aad buu u liitay?  (Read 2099 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Gobdoon

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xifdiskaygu weligiiba aad buu u liitay?
« on: August 29, 2017, 12:24:47 AM »
Ascw Dhalhtarka , guud ahaan bahda SoMDoc iyo taxanayaasha SomDoC.
Waxaan ahaa ilaa yaraantaydii Arday (dugsi Quraan ilaa heer Jamacad). Waxbarashadaas runtii waxaan ku dhamaystay ALLAAH awoodiisa iyo dadaal, balse waxaan ka mutay culays xifdugu wuxuu iigu adkaa si daran, inta aan xifdiyayna waxaa dhacda inaan si yar u hilmaamo.
Tusaale walalkay oo dugsi quranka ila bilabay markuu Quranka 3 jeer dhameeyay anigu jis Cama ayaan ku jiray, fasalka Skoolka 1,2,3 ayuu ka geli jiray lakin anigu dirqi baan ku baasi jiray.
Aniga oo dugsi sare dhigta isku dhufashada waan qaldi jiray.
Luqadaha barashadoodu way igu adkaadaan anoo qaarkood 3 sano ku dhawaad wax ku baranayay amaba ku shaqaynayay. Iwm.
Wixii aan ficil ahaan lay tuso ama u qabto iyaga waan ku wacanahay.
Su,aashaydu Dhaktar Xifdigaas aanay maskaxdaydu weelaynayn xataa hadaan marar badan ku celceliyo amaba ay si fidud u luminayso wax yaalo ay hore u baratay maxaad iga odhan lahayd? Sidoo kalana igula talin lahayd?
ALLAAH ayaa mahad leh.




Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Xifdiskaygu weligiiba aad buu u liitay?
« Reply #1 on: August 30, 2017, 09:52:14 PM »
Halkaan ka akhriso Hilmaamka ama iloowshaha oo ku lug leh wax xifdin la'aanta:-
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4524.0.html
Sidoo kale halkaan ka akhriso wax xifdin la'aanta caruurta iyo talooyin faa'iido leh:-
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1745.0
Talo SAARO Allaah