Author Topic: Su'aal: Sidee loo daaweeyaa Xanuunka Quumanka?  (Read 131615 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Fitaax

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
Su'aal: Sidee loo daaweeyaa Xanuunka Quumanka?
« on: May 17, 2008, 11:57:07 PM »
a/c waraxmatulaahi wabarakaatu hu

walaallayaa waxaan hawada idiin soomarinayaa salaamn qaali ah waana salaanta islaamka walaalla yaal bacda salaan waxaan doonayaa in wax aan ka ogaado sida ugu wanaagsan ee loo daweeyo qomanka iyo xanuunka ku dhaca




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Sidee loo daaweeyaa Xanuunka Quumanka?
« Reply #1 on: May 19, 2008, 12:10:57 AM »


Qomanku waa caabuq cune oo ay keento jeermiska bakteeriyada ama fayras-ka.
Bakteeriyadu waxaa faafiya dhibco ku samaysma sanka ama cunaha ee qof qaba bakteeriyada streptococcus. Tani waxay inta badan dhacdaa waqtiga bilaha qaboobaha marka dadku ay guryaha ku wada jiraan. Waxaad caabuqa cunaha ku qaadi kartaa 2-7 maalmood ka dib markaad la joogtay qof qaba cudurka.

Waxaa lagu kala qaadi karaa neefsashada ama calyada oo is gaarto, sidaas awgeed waa muhiim in dadka waawayn oo xanuunka qaba aysan ku neefsanin caruurta yar yar.

Calaamadaha Quunka:
  • Qandho ka sarreysa 101° F ama 38 °C
  • Qar-qaryo ama dhaxan
  • Cuna xanuun 
  • Liqidda oo ay dhibaato ku timaaddo 
  • Qoorta oo bararta 
  • Kor xanuun iyo kalagoysyo xanuun
  • Cunnu xumo
  • Lalabbo ama matagid 

Maadaama uu xanuunkaan leeyahay astaamaha malaariyada, dad badan ayaa ku qaldo oo qaato daawada malaariyada, iyadane waxba kama tarto.

Qumanka iyo dhinaca danbe ee cunaha ayaa laga yaabaa iney guduud u ekaadaan ama bararaan, oo dhibco caddaan ama jaalle ah oo maal ah / malax ah yeeshaan.
 
Xaalado dhif ah qaarkood ayaa cudurka quumanka laga yaabaa inuu keeno sun sababta finiinic guduudan oo uu maqaarka jirku yeesho. Finiinicaan waxaa loo yaqaannaa qandhada cas ee ifeysa.

Dhakhtarka wuxuu dhinaca danbe ee cunahaaga ka fiirin doonaa guduudasho, barar, iyo dhibco cad ama jaalle ah. Baaritaan bakteeriyada strept oo deg deg ah ayaa laga yaabaa in la sameeyo iyadoo dheecaan laga qaadayo dhinaca danbe ee cunaha si jeermiska strep looga hubiyo. Natiijooyinku waxay badanaa diyaar ku noqdaan muddo 10 daqiiqadood gudahooda ah.

Hadii lagaa helo strept waxaa lagu siin doonaa antibiotik kaniini ah ama cirbid hal mar lagugu duri doono.
Hadii quumanku ay noqdaan mid soo noqnoqda oo dhibaato u keena khaas ahaan ilmaha waa laga gooyaa oo qalliin ayaa soo sameeyaa loo yaqaano "Tonsillectomy"

Sidee looga hortagaa quumanka soo noqnoqdo?
Haddii xanuunka quumanka dhib kugu hayo ama kugu soo laalaabto waxaad kaga hortagi kartaa adigoo subax kasta inta aadan wax cunin ka hor, ku luqluqda biyo kulul oo cusbo leh taas oo ka qeyb qaadanyso in jeermiska ka hortagto oo aadan fursad u siinin inuu quumanka ku tarmo, laakiin haddii aad qandho isku aragtid waxaad u baahanaysaa in aad daawo antibiotic u qaadato.

Xanuunka quumanka ee soo laalaabto wuxuu caruurta u keeni karaa in infekshanka u gdubo xubno kale oo jirka sida wadnaha, kalagoysyada ama kilyaha, caruurta looga baqayo xanuunadaas waxaa las iiyaa cirbad antibiotic oo bil kasta lagu durayo si jeermiska uusan dhaawac u gaarsiinin wadnaha, kalagoysyada ama kilyaha.

Dadka qaar waxay isku arkaan marka ay cadayanayaan inay tufaan wax cad oo adag oo ur badan oo loo yaqaano dhagaxaanta quumanka "Tonsil Stones", Fadlan akhriso qoraal ku saabsan mawduucaan oo aan horay uga hadlay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2601.0.html

Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah ama u baahantahay warbixin faahfaahsan oo xanuunkaan ku saabsan, ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Nuradiin

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Sidee loo daaweeyaa Xanuunka Quumanka?
« Reply #2 on: August 30, 2017, 10:26:28 AM »
masha Allah Allah ka jazaa isiyo cimlimgad barty
marka xigta anigu waxan labada dhinac ee cunaha ku leyahy
2 midhig oo sidaa fiinka caad marka mar mar kor ayu sidaa fiinka uso baxa oo ixanta xantya marka laba malin gudohodna wuu ku yarada marka maxa ilaa gudboon
 on ku sameya


 

Su'aal: Xanuunka la dheho "Lupus"?

Started by AbdiweliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16756
Last post October 16, 2016, 06:33:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka loo yaqaano "Abscess"?

Started by MustafacumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14346
Last post January 04, 2018, 02:03:56 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Sidee loo dhimi karaa acid ka gaaska amaba loo ciribtiri karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21112
Last post September 09, 2015, 01:14:18 PM
by SomaliDoc
Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 39944
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Noocyada Feero Xanuunka maxaa lagu kala gartaa?

Started by Abdi KarimBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 87189
Last post January 30, 2008, 02:32:49 AM
by Waxbaro!