Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Hag Hagada ama Shik shikowga?

(1/1)

Maxammed Siciid Axmed:
ASC dhamaan dhakhaatiirta ku bohowday somali medical forum waan idin salaamay salaanta islaamka  salaan ka dib
ILAAHAY uun baa idinka abaal marinkara khayrka iyo sama falka aad wadaan  dadka soomaaliyeed si free ah waxaan ilaahay idiinka baryayaa inuu ajr iyo xasanaad dheeri ah idinku bedelo
Hadii aan su'aashayda usoo daadego

Waxaa dhibaato iga haysataa xaga hadalka
hadalka ayaa igu dheg dheaga kelmadaha qaarkood si fudud uguma dhawaaqi karo hadii aan ku dhawaaqana waqti bay igu qaadata meelaha public ga ah ama meelaha dadku isugu yimaadaana ma jecli inaan ka hadlo sabatoo mushkilaasa jirta

Dr ayaa daawo ii qoray weli daawadiina maan qaadan goob caafimaadna maan waydiin , dawadaa laftarkeeda waxaan jecelahay inaad ii aprove garaysaan hadii ay faa'iido ii leedahay daawada waxaa la yiraahdaa Topiramate tab 25mg

Marka bal waxaan rabaa insha alaah inaad caawimaad iyo talo aan ka helo dhankiina haday ay suura gal tahayna inaad daawo ii sheegtaan
WAAD MAHADSANTAHIIN DHAMMAAN GAAR AHAAN  ( Abdullahi M. Mahdi  )
Jaeaaab baan idinka sugayaaa insha alaah

CilmiSabca:
Halkaan ka akhriso shigshigga:-
http://bit.ly/2vXOeyS
Daawada aad soo qortay waxaa lagu daweeyaa migraine-ka iyo qalalka.
Kala tasho Dhakhtarka kuu qorey in uu faah faahin badan kaa siiyo.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version