Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Waxaa i cuncuna dhanxanaga?

(1/1)

Kabtan1238:
Asc wr wb Waa Abdulahi Isse Mohamuud
Dhamaan dhaqaatiirta waan idin salamaya illahey ajar ha idinka siiyo inta kadib inta badan marka aan hindhisho waxaa i cuncunta dhanxanaga kore meesha u dhow dalqada xooga yar ayaan u adkeestaa mararka qaarna carabka foodiisa ayaan u dhaweeya oo ku xoqaa dabadeedna hindhishada ayaa igu saa'ida doctor maxaa sameeya hooyo iyadana waxa ay ileedahay waa xasaasiyo

SomaliDoc:
Cuncunka laga dareemo dhanxanaga, waa qeyb ka mid ah Allarjiga, waxaana loo yaqaanaa "Oral Allergy Syndrome", wuxuu la socon karaa sanboorka, cuncunka indhaha, qufaca iyo riiraxyada, xiiqda IWM.

Markaad cuncunkaan dareentid, waxaad u baahan tahay daawo xasaasiyadda kaa jabiso, maxaayeelay kullamaa sii xoqdid way kugu sii kacaysaa oo hindhiso ayaad ku waalanaysaa, dhagahane way ku kulaanayaan.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version