Author Topic: Su'aal: Is Cafin La'aantu, Ma Cudur Baa?  (Read 3993 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Is Cafin La'aantu, Ma Cudur Baa?
« on: September 27, 2017, 05:24:59 PM »
Salaan ka dib, Dr.
Dadka qaarkood waxaan ku arkay cillad ku dhagan oo ah in aan lagu kari karin in ay iska cafiyaan qof ama dad ay isku dhaceen, xitaa haddii ay ka soo wareegtay muddo sannooyin badan ah.
Haddii la weydiisto cafis dhab ah, haddii loo hoydo baryo darteed, haddii xaal loo keeno iyo haddii ergo loo soo diro, innaba laguma kari karo in ay cafis iyo maslaxo guddoomaan.
Haddaba Dr. Wax Cafin la'aantu, ma cudur baa?
Waxaanse u maleynayaa mid ka mid ah cudurrada Maskaxda ku dhega.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Is Cafin La'aantu, Ma Cudur Baa?
« Reply #1 on: September 05, 2018, 07:47:08 PM »
In qofka ku cafin waayo ama go'aankiisa ku adkaysto cudur maahan waa simad lagu garto dabeecadaha qallafsan qaarkood, wuxuu qofka isku arkayaa qof laga caqli badiyay hadduu ku cafiyo ama go'aankiisu dabacsan yahay ama inuuba ka shakkisan yahay dalabkaaga oo uu kuu arko inaad mar labaad xumayn rabtid hadduu markaan ku cafiyo, waa calaamad lagu arko dadka qabo shakhsiyadda "pranoid personality", faahfaahinta dabeecadaan iyo kuwa kale ee aan dabiiciga ahayn ka akhriso linkgaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6876.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Baaritaanka dhiiga malagu ogaan karaa cudur kasta?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9584
Last post October 19, 2016, 07:18:46 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cudurka ilka dawacadu ma cudur jiraa mise?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 17988
Last post May 20, 2012, 01:27:19 PM
by SomaliDoc
Isbitaal Banaadir oo la gaarsiiyay dad uu soo ritay cudur Shubanbiyoodka....

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 7431
Last post April 27, 2011, 06:03:54 PM
by Drkheyre
Su'aal: Ma is dhihi karnaa dhareerka waa cudur xun mase wa wax caadi ah?

Started by BuraaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8575
Last post April 30, 2011, 08:18:50 PM
by SomaliDoc
Dhan-qalal / Faalig (Stroke) - Cudur Halis Ah

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 3
Views: 56314
Last post June 30, 2018, 08:20:49 AM
by Abdikadir abdi jama