Author Topic: Su'aal: Cunista Maskaxda Ariga?  (Read 17206 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Akhaa Binu Jowhari

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 130
  • Points: +0/-0
  • Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
Su'aal: Cunista Maskaxda Ariga?
« on: September 30, 2017, 09:51:19 PM »
Asc
Doc...
ugu Horreyn Doc waxan kaaga mahad celinaya dadaalka arrimaha caafimaad ee hagar la'aanta ah aad u hayso bulshada soomaaliyeed melkasta ay daafaha caalimka kajoogaan, waxan ku leeyahay ilaah  Garabkaga hagalo.
intaas kadib, haddii su'ashayda gudo galo waxa weye Doc kawarn caafimaad ahaan cunista maskaxda Ariga yacnii ma dhib aya keenta mise faa'idoyin. anigu inbadan baan doonayey in aan kaa weydiyo su'al
doc, waan jaclahay maskaxda ariga ilaa yaraanteyda ayan cunayey waan kehelaaa waxay u qaab egtahay sida ukunta camal dhadhan ahaan, jwb kasugaya insha'allh,


Allow Dhakhaatiirteenna Noo Dhowr Meel Walba Oo Ay Joogaan.

Aamiin Aamiin.


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cunista Maskaxda Ariga?
« Reply #1 on: September 08, 2018, 04:24:00 PM »


Bismillah,

Maskaxda xoolaha meelo badan oo dunida ka mid ah ayaa laga cunaa, iyadoo biyo lagu kariyay ama saliid lagu shiilay, dhadhankeedu waa sida birta oo kale, dad badanne ma jecla inay cunaan.

Maskaxda boqolkiiba 30% waxay ka koobantay dufan weliba nuuca loo yaqaano "DHA", kaasoo muhiim u ah jirka bini'aadanka khaasatan dhinaca maskaxda, waxay maadadaan kobcisaa shaqada iyo firfircoonida maskaxda.

Diraasad lagu sameeyay dadka qaba xanuunka niyad jabka "Depression", waxaa lagu arkay in maadadaan "DHA" ay aad ugu yar tahay maskaxdooda, taasoo loo fahmay kullamaa ay maadadaan maskaxda ku yaraato kullamaa unugyada maskaxda ay howlgabaan.

Maadadaan "DHA" waxay aad muhiim ugu tahay caruurta koraysa iyo hooyooyinka uurka leh.

Faa'iidooyin kale oo ay cilmibaarayaashu sheegeen ma jirto, inkastoo bulsho walba ay sheegto in faa'idooyin dheeraad ah laga helo laakiin ma ahan wax cilmi ku dhisan.

Ma jirtaa xanuuno iyo cudurro laga qaado cunista maskaxda?
Markii laga tago dufanka "DHA" ee faa'idada leh, waxaa kaloo maskaxda ka buuxa dufanka kolestaroolka kaasoo caafimaadka u daran sidaa darteed dadka dhiig-karka iyo kolestaroolka qaba waxaa looga digaa inay cunaan maskaxda xoolaha.

Waxaa kaloo jirta cabsi ku aadan in cunista maskaxda laga qaado xanuuno xoolaha kaga dhaco maskaxda khaasatan lo'da kaasoo loo yaqaano "variant Creutzfeldt-Jakob disease", xanuunkaan oo aan wax daawo ah loo haynin illaa iyo hadda, laakiin weli xoolaha ariga laguma sheegin.

Ma jirtaa cunnoooyin kale oo laga helo karo maadadaan "DHA"?
Haa, DHA waxaa kaloo laga helaa kalluunka nuuciisa dufanka leh, ukunta inkastoo ay maadadaan ku yar tahay, cagaarka biyaha ka dul baxa ee "Algae" iyo burka / qamadiga lagu soo warshadeeyay maadada "DHA"

Talada SomaliDoc
  • Haddii aad leedahay dhiig-kar, macaan iyo kolestarool ka fogow cunista maskaxda
  • Haddii wadne xanuun leedahay ama miisaankaagu sareeyo, ka fogow cunista maskaxda
  • Haddii xoolaha maskaxdiisa aad cunayso uu jiranaa, ka fogow cunsita maskaxdiisa
  • Haddii aad maskaxda cuntid midka Ariga cun, kan lo'da ka fogow
  • Haddii aad leedahay maskax daal iyo hilmaan badan, raac talooyinka ku xusan qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4524.0

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid ku soo dir qeybta su'aalaha ama dhakhtarka toos u gala xiriir qeybta farriimaha ee bogeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Milica_soomali

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 64
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Cunista Maskaxda Ariga?
« Reply #2 on: September 15, 2018, 01:21:09 PM »

cunto aad u wanaagsan


 

Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41585
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Ha Isku Qaldin Jinniga, Sixirka, Isha iyo Cudurrada Maskaxda ku Dhaco!

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 41718
Last post July 05, 2015, 10:14:33 AM
by Darmaan123
Sidee baan u hagaajin karaa caafimaadkayga xagga maskaxda?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maskaxda

Replies: 0
Views: 30638
Last post March 17, 2008, 06:18:55 PM
by SomaliDoc
Kolba-aariyada makeeni kartaa inay maskaxda waxyeesho?

Started by BarkhatBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 21019
Last post May 29, 2009, 08:18:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena faaliga ku dhaca qaybta danbe ee maskaxda?

Started by QawdhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8311
Last post November 21, 2011, 10:05:19 PM
by SomaliDoc