Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Waxaa laga hayaa cirbaha iyo calaacasha lugaha?
(1/1)
Akhaa Binu Jowhari:
Asc..
Doc, aad ban kaga mahad naqayaa hawsha aad u haysan ummaadda soomaaliyeed. haddii aan su'aashaydu gudo galo, Doc Hooyaday baa waxa ay ka sheeganaysaa cirbaha ama calaacasha lugaha marka ay soconayso way kabobodan, yacni waxa katagaya dareenka magaratay waxay qabtaa Diabetic kaadi macaan saniin dhawr sanno. maxa tallo ah ?
SomaliDoc:
Macaanka waa xanuunka ugu badan ee keeno kabuubyaha lugaha iyo gacmaha, sababtuna waa sokorta oo neerfaha wax gaarsiisay markii astaamahaas la arko wuxuu bukaanka u baahan yahay daawo loogu talagalay arintaas oo ka hortagayso dhaawaca macaanka in la siiyo, dhowr biloodne uu qaato, wayna ka fiicnaadaan, fadlan dhakhtar kala xiriir arintaas si hooyo daawo lagugu qoro ama bogga Facebook-geena toos iigala soo xiriir. https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Navigation
[0] Message Index
Go to full version