Author Topic: Su'aal: Jir Giriirka mar mar?  (Read 2146 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Akhaa Binu Jowhari

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 130
  • Points: +0/-0
  • Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
Su'aal: Jir Giriirka mar mar?
« on: October 19, 2017, 10:56:21 AM »
Asc....
Doc, ugu horreyn waan kaga mahad celinayaa, wax qabadka wanagasan  ee arrimaha caafimaad aad u haysaan bulshada Soomaaliyeed mel walba ay Caalimaka ka joogan.
haddii su'ashayda gudu galo waxay tahay Doc, waxan doonayaa in wax ka ogaado in keligay tahay ama ummadda dhan ay ila qabaan waayo intaan yaraa ilaa hadda wan isku arkaa waxaas, marka maxay yihiin Doc, Mar mar ayaan isku arkaa jirkayga oo diriirig dhahaya afsomali u ma hayo sida ku qeexi lahaa yacni ma'ahan jirka oo bood boodaya sida isha camal ama garabka camal mise faruurta camal kama wado, Doc sifican ii fahan tusaale xayawanka ama ariga mar mar jirkisa markuu dhulka ka kacayo dhabrkisa diririg dhahayo iska jafayo boorla camal waxu sidaas bay u qab egyihiin,
dad ban su'aaley waxay igu jawaabeen (Malagga Markuu dadka soo fiirsho aya sidaas la noqonaya )
yahuu Doc waxas marna ma aaminin, lkn jirka oo halmar Diriirig dhahaya bal maxa jirka sidas u noqdo waa wax aan rabo in aan ogaado


su'aasha kale Doc waxan isku arkaa haddii qof meel wax ku xoqo ama sida musmaarka camal ama wax bir ah ku jiid jidayo shamiitada dusheed ama derbiga yacni waxa jirkayga ka dareemaya jiraariciyo ma ogoli in aan daawado an kee cidiyaheega kuma xoqo melaha qaar doc muhiimadad waxay tahay in aadan isku si u arkin suasha hore iyo midan laba kalyihiin

midda hore haddii dib ugu laabto dhabarka ilaa feeraha baa ruxmaya yacni idhaqaaqaya hal jeer sida ariga ama xolaha camal boorka iskaga jafayan
mahasanid Doc.


Allow Dhakhaatiirteenna Noo Dhowr Meel Walba Oo Ay Joogaan.

Aamiin Aamiin.


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Jir Giriirka mar mar?
« Reply #1 on: November 18, 2018, 11:48:02 AM »
Cillada kore waa dubaaxin ee faahfaahinteeda ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5666.0
Cillada hoosane waxaa la dhahaa saliilyo, halkaan ka akhriso iyadane: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6101.0

Labadaba wax isla socdo way noqon karaan haddii cillad neerfaha jirto...
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: