Author Topic: Su'aal: Haddii Iron-ta jirkeyga ku badan tahay?  (Read 3640 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Akhaa Binu Jowhari

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 130
  • Points: +0/-0
  • Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
Su'aal: Haddii Iron-ta jirkeyga ku badan tahay?
« on: November 28, 2017, 11:52:38 AM »
Bismillah, Asc..Doc, waxan doonayaa in aan wax ka ogaado, Haddii Dhiiggayga uu ku badan yahay Maaddada Iron-ta, ama ay sareeyso, wax dhib ah makeeni karaa? Madaama aad muhiim u yahay....
FG: Waxan Boggaadinaya in dib u habayn lagu sameeyay wepka SomaliDoc, Rabi Ha'idin Garab Galo.


Allow Dhakhaatiirteenna Noo Dhowr Meel Walba Oo Ay Joogaan.

Aamiin Aamiin.


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Haddii Iron-ta jirkeyga ku badan tahay?
« Reply #1 on: November 28, 2018, 08:26:52 PM »
Birta oo jirka ku badato waxay badanaa ku timaadaa qaabab kala duwan, waxaa ugu horeeyo cillad loo yaqaano 'Polycythemia" oo jirku soo saarayo bir xad dhaaf ah, sidoo kale haddii dhiig badan lagugu shubo iyo haddii uu jiro xanuun kale oo kordhin kara birta jirka.

Haddii birta jirka ku badato waxaa yimaado xanuun loo yaqaano "hemochromatosis" taasoo macnaheedu yahay in birtu dul habsato xubno muhiim ah oo jirka ka tirsan sida beerka taasoo keento in beerku qolfoofo "liver cirrhosis", murqaha wadnaha taasoo howlgabin karto, sidoo xubinta ganaca taasoo keeni karto xanuunka macaanka, sidoo kale kalgoysada taasoo keeni karto in laabatooyinka ku adkaadaan, ugu dambayn waxay britu fadhiisan kartaa xubnaha taranka waxayne keeni kartaa hammi yari iyo dhalmo la'aan.

Cilladaan ma ahan wax ku badan bulshada laakiin waa la isku arkaa mararka qaar, xalkuna waa in qofka dhiigga laga shubo ama laga daadiyo markuu muddo joogaba.

Su'aal la xiriirto midaan oo aan horay uga jawaabay ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3455.0
Ogow faa'iidada ku jirto dhiig bixinta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6358.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhidka badan iyo Cabsida"xishoodka"?

Started by AhmeddaahirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16490
Last post October 19, 2016, 06:58:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxan qabaa cabsi ah in aan dadka ka cabsado sida meelaha dadka badan joogan?

Started by FaraxBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21722
Last post May 11, 2011, 04:28:24 PM
by Shenamic
Su'aal: Birta dhiiga oo badan? Wareega dhiiga oo yar? Qufac markii aan ordo?

Started by DurdurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15995
Last post May 19, 2011, 08:49:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma jiraa Natural Viagra - Maadaama Kiniiniga Viagra Dhib-badan yahay?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 79279
Last post August 12, 2015, 01:45:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cuncunka inta u dhaxaysa labada biri ee dilac yar oo xanuun badan wata?

Started by AyanitaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48790
Last post November 17, 2009, 07:36:08 PM
by SomaliDoc