Bismillah,
Waxaan maanta casharkaan kaga hadli doonaa caabuqa ku dhaco xaniinyaha kadibne keeno in xaniintu shuuqdo ama baaba'do.
Caabuqaas waxaa loo kala qaadaa laba qeyb, mid xaniinta laftirkeeda ku dhaco, loona yaqaanaa "Orchitis", mid ku dhaco tubada shahwada oo xaniinta ka korayso, waxaana loo yaqaanaa "Epididymitis", laakiin sida ay u badan tahay labada meelba hal mar ayuu ku wada dhacaa caabuqaan waxaana markaas loo yaqaanaa "Epididymo-orchitis", Badanaa caabuqa hal xiniin ayuu ka bilawdaa, laakiin labaduba hal mar wuu ku dhici karaa, waana cillad ragga ku badan waxayna badanaa ka dhalataa infekshan ka yimid kaadi mareenka ama lagu kala qaaday galmada.
Maxaa keeno caabuqa xiniinyaha "Epididymo-orchitis"?- Infekshanka kaadi mareenka oo xumaaday wuxuu keenaa caabuqa xiniinyaha, khaasatan bakteeriyada loo yaqaano "E.coli", faahfaahin ku saabsan infekshankaan horay ayaan uga hadalnay ee ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3237.0
- Cudurrada lagu kala qaado galmada waa kuma ugu badan ee keeno caabuqa xiniinyaha khaasatan cudurrada Jabtida iyo kalamiidiyaha, akhriso qoraal aan horay ugu faahfaahiyay xanuunadaan lagu kala qaado galmada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=245.0
- Caabuqa fayraska khaasatan midka keeno Qaamo-qashiirka "Mumps" virus waa midka ugu badan oo keeno caabuqa xiniinyaha, akhriso qoraal ku saabsan xanuunka qaamo-qashiirka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2504.0
- Jugtu waxay ka mid tahay waxyaabaha keeno caabuqaan khaasatan xilliyada ciyaarta banooniga iyo baaskiil wadidda
- Qalliinka lagu sameeyo qanjirka ragga ee "prostate-ka" mararka qaar waxaa laga dhaxlaa caabuqaan xiniinyaha khaasatan haddii nadaafadda qalabka qalliinka loo adeegsaday aysan fiicnayn.
- Tiibishada ku dhacdo xiniinyaha iyaduna waxay keentaa xanuunkaan, dhakhsane laguma baraarugo.
Yuu ku dhacaa xanuunkaan?Xanuunkaan wuxuu aad ugu badan yahay ragga da'doodu u dhaxayso 15 illaa 30 sano iyo ragga ka wayn 60 sano.
Astaamaha lagu garto xanuunkaan:Badanaa xanuunkaan si dhakhso ah ayaa lagu dareemaa calaamadihiisa hal malain ama laba maalin gudahooda, isla markiiba qofka wuxuu dareemaa qooraha oo bararo, xanuun iyo danqasho siyaado ah.
Hadduu xanuunkaan ka dhashay xanuun kale sida aan kor ku soo xusayne qofka wuxuu dareemi karaa astaamo kale oo la xiriira xanuunka keenay, tusaale: hadduu infekshan kaadi mareenka horay kuu hayay waxaad dareemaysaa kaadida oo ku gubto, dhabar xanuun, gumaar xanuun IWM, midda kale hadduu caabuqa ka yimid xanuunada galmada lagu kala qaado waxaa dareemi kartaa dheecaan ibta ka yimaado, qanjirrada saracda ku jira oo barara IWM.
Laakiin caabuqaan xininyaha markuu bilawga yahay waxaa lagu yaqaanaa qandho iyo xanuun siyaado ah oo qofku la miirdaboolmi karo xaaladaha qaar.
Sidee loo baaraa xanuunkaan?- Baaritaan kaadida iyadoo la fiirinayo inuu infekshan kaadi mareenka uu horay kuu hayay, sababne u ahaa caabuqaan xiniinyaha.
- Baaritaanka dheecaanka ibta ka yimaado hadduu jiro taasoo astaan u ah xanuunada galmada lagu kala qaado sida jabtida, kalamiidiyaha IWM.
- Baaritaanka computer-ka qooraha "Doppler Ultrasound" iyadoo la fiirinayo xaaladda xininyaha iyo xididada soo galo, hadduu barar jiro, haday biyo galeen ama shuuqeen intaba.
Sidee loo daaweeyaa xanuunkaan?Markuu xanuunkaan cusub yahay waa in qofka sida ugu dhakhsiyaha badan saacado gudaheeda lagu bilaabo qallajiyo cirbad ah ama kaneeni iyadoo loo fiirinayo xaaladda qofka heerka ay gaarsiisan tahay, daawaduna waa inay noqotaa nuuca ka gudbo xiniinyaha iyo qanjirka prostate-ka sida: Ciprofloxacin, Levofloxacin iyo kuwa ay isku kooxda yihiin ee loo yaqaano "Quinolones".
Baaritaan markii la sameeyo kadib haddii la helo jeermis gooni ah oo loo aaneynayo inuu keenay caabuqaan waa in lagula tacaalo daawada shaqada ku leh khaasatan hadday cilladu ka timid xanuun ka mid ah kuwa galmada lagu kala qaado.
Hadduu jeermisku yahay "Virus" sida midka qaamo-qashiirka oo kale, qallajiye waxba kama taro waa in qofka la siiyo xanuun baab'iye, barar dajiye, qofkuna uu helo nasiino badan, hadduu dhaktharka ka shakkiyo in fayras iyo bakteeriyo labaduba isla socdaan waa in qallajiyo lagu daro daaweynta qaamo-qashiirka xiniinyaha.
Haddii aan la daaweyn maxaa dhacayo?Xanuunkaan wax ka qabadkiisa waxay ku fiican tahay maalmaha hore ee caabuqu cusub yahay, hadduu qofku daawo qaadan amaba ku baraarugin inuu dhakhtar u tago, afar mid ayay noqotaa xaaladdu:
- In caabuqa u gudbo xiniinta kale oo labaduba saameeyo oo malax gashato qooraha "Scrotal Abscess" taasoo qalliin degdeg ah u baahan.
- In caabuqa iskiis u yaraado, laakiin dhibku uu weli jirka ku jiro taasoo ka dhalan karto in xiniinto baaba'do ama shuuqdo markaasoo isu badasho xaaladda loo yaqaano "Testicular Atrophy", markay xaaladaas timaadane xiniintu way howlgabtaa, shahwadiine hoos ayay u dhacdaa tiro iyo tayo ahaanba, qofkane wuxuu noqdaa madhalays.
- Caabuqa oo noqdo mid raago oo xaniintu biyo gashato taasoo iyaduna isu badalayso xaalad kale oo loo yaqaano "Hydrocele", iyaduna waxaa lagula tacaalaa qalliin fudud oo lagu saarayo biyahaas.
- marar dhif ah caabuqa xiniinta wuxuu u gudbaa qooraha iyo inta ku hareeraysan, wuxuuna caabuqaas keeni karaa in xubnaha kale u keeno waxa loo yaqaano "Gangrene" oo ah caabuq si dhakhso ah ku faafo, xaaladaasne waa in si degdeg ah banaanka loogu soo saaro xiniinta inta aysan dhib kale keenin ama isbadalin.
Talada SomaliDoc:- Hadduu jiro xanuun infekshan kaadi mareenka "UTI" oo aad la nooshahay in si dhakhso ah iskaga daaweysid inta aysan dhib iyo jahwareer kale kuu keenin, astaamaha lagu garto xanuunkaane halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3237.0
- Hadduu jiro cudur ka mid ah kuwa lagu kala qaado galmada oo aad la nooshahay "STI" ama daawo rasmi ah aadan u raadsan waa inaadan xishoon oo aad dhakhtar la xiriirtaa, Astaamaha lagu gartane ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=245.0
- Haddii aad isku aragtid barar ama danqasho xiniinta ah waa in si dhakhso ah dhakhtar ula xiriirtaa sababtoo ah xiniintu waa xubin jilicsan oo caabuqa u adkaysan karin si dhakhso ayayne u dhiman kartaa.
- Haddii aad aaminsan tahay in xanuunkaan horay kuugu dhacay, xiniintiina ay shuuqday ama yaraatay, waa inaad samaysaa baaritaanka kumbuyuutarka ultrasound-ka weliba nuuca leh "doppler" waana qalab laga heli karo magaalooyinka dalka badankood iyo in shahwada lagaa baaro si loo ogaado awoodaada uureynta, kadib waa laguu sheegi karaa wixii latacaalis ah oo laguu samayn karo.
- Haddii aad heysato baaritaanno horay aad u soo martay oo aad u baahan tahay in laguu fasiro ama laguu faahfaahiyo xaaladdaada caafimaad iyo wixii laga qaban karo ama aadanba garanayn meel aad wax ka bilawdo, cilladaasne ay ku haysato, toos iigala soo xiriir qeybta farriimaha "messages-ka" ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Qoraallo kale oo xiriir la leh, muhiimna ah:
http://somalidoc.com[/list]