Author Topic: Su'aal: Iyadu way raaxaysataa, aniguse ma raaxaysto?  (Read 5282 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Su'aal: Iyadu way raaxaysataa, aniguse ma raaxaysto?
« on: October 31, 2017, 06:57:09 PM »
Waxaan ahay qof hada guursatay .. Gabadha aan qabo aad ayeey raaxada u dareemee lkn aniga  wax aana biya bax aheen adareemo  oo kuma raxeeysto Ee maxaa talo ah
Thank you




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Iyadu way raaxaysataa, aniguse ma raaxaysto?
« Reply #1 on: November 21, 2018, 08:39:01 PM »
Inaad raaxo dareemi waysid xilliga biyo-baxa waa cillad loo yaqaano "Sexual anhedonia", inkastoo ay tahay cillad dhif ah laakiin waxaa keeno diiqadda, niyadjabka, isticmaalka daroogada, kacsanaanta hormoonka "Prolactin", dhacsanaanta hormoonka ragga ee "Testosterone" iyo isticmaalka daawooyinka qaar ee hoos u dhiga hormoonka raaxada ee "Dopamine"

Sidoo kale waxaa mar dhaw la ogaaday isticmaalka siyaadada ah ee fitamiin B6 inuu keeni karo in dareenka kaa tago xilliga biyo-baxa, haddii cilladaan ay joogto kugu noqoto fadlan la xiriri dhakthar si laguu baaro.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: