Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Iyadu way raaxaysataa, aniguse ma raaxaysto?
(1/1)
Ashom:
Waxaan ahay qof hada guursatay .. Gabadha aan qabo aad ayeey raaxada u dareemee lkn aniga wax aana biya bax aheen adareemo oo kuma raxeeysto Ee maxaa talo ah
Thank you
SomaliDoc:
Inaad raaxo dareemi waysid xilliga biyo-baxa waa cillad loo yaqaano "Sexual anhedonia", inkastoo ay tahay cillad dhif ah laakiin waxaa keeno diiqadda, niyadjabka, isticmaalka daroogada, kacsanaanta hormoonka "Prolactin", dhacsanaanta hormoonka ragga ee "Testosterone" iyo isticmaalka daawooyinka qaar ee hoos u dhiga hormoonka raaxada ee "Dopamine"
Sidoo kale waxaa mar dhaw la ogaaday isticmaalka siyaadada ah ee fitamiin B6 inuu keeni karo in dareenka kaa tago xilliga biyo-baxa, haddii cilladaan ay joogto kugu noqoto fadlan la xiriri dhakthar si laguu baaro.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version