Author Topic: Su'aal: Cabista biyaha xareedda?  (Read 3724 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Akhaa Binu Jowhari

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 130
  • Points: +0/-0
  • Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
Su'aal: Cabista biyaha xareedda?
« on: November 05, 2017, 01:56:09 PM »
Asc..
Doc, waxan doonayaa in aan wax ka ogaado, cabista biyaha xareedda ah xaga caafimaadka, Madaama aan wax ku karsano biyaha xareedda iyo kuwa lacabaya intaba,

biyaha xareedda waxa laga keena meel   lake ah mise balli
een biyaha dhulka iyo kuwa xareedda maxa farqi ah u dhexeeya? caafimaadka keeba ku wanagsan istacmaalkood mar haddii biyaha aysan ahayn kuwa lacabi karo, sababta oo ah biyaha oo culus, dhanan, ama xaraar ama qarar.


Allow Dhakhaatiirteenna Noo Dhowr Meel Walba Oo Ay Joogaan.

Aamiin Aamiin.


Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: cabista biyaha xareedda
« Reply #1 on: November 05, 2017, 10:53:06 PM »
Biyaha roobka ee Xareedda ah, waa biyaha ugu fiican dunida, sababta oo ah; marka uu roobku da'ayo, wuxuu soo da'aa iyada oo aanay ku jirin wax curiye ah, sida maadada Kalooriinta iyo maadada Flouride.
Laakiin, haddii ay biyaha roobku ku dul da'aan oogada dhulka amma guryaha dushooda, waxaa biyahaas ku dhacaya is badal.     Is badalladaas waxaa ka mid ah;  marka uu roobku ku da'o guryaha dushooda, waxaa soo raaca qashin iyo jeermis badan oo xareeddii wax ka badalla.
Marka uu roobku ku da'o oogada dhulka waxaa la fal gala maadooyinka dhulka ka buuxa.
Biyaha roobka ee laga helo meelaha waraha ah iyo meelaha biyo fadhiisinnada ah, waxay u badan tahay in uu is badal ku dhacay.
Haddii aad rabtid aad ogaatid tayada biyaha xareedda ah, u dhigo weel nadiif ah roobka oo da'aya meel banaan ama sacabbadaada u dhigo oo cab.
# Biyaha xareedda waa biyo sun saare ah oo jidhka ka saara wixii sun ah isla markaana uu jidhku dareemo fir fircooni degdeg ah.
# Maadaama ay biyaha xareedda ahi sun saare yihiin, waxa ay si aad ah ugu haboon yihiin dadka qaba cudurka kansarka in ay si joogto ah u cabbaan.
# Biyaha roobka, waxa ay sidoo kale u fiican yihiin xanuunada caloosha. Waxaana la cabaa 2-3 qaado oo biyo xareed ah, subax kasta caloosha oo maran, tani, waxa ay hoos u dhigeysaa aashitada caloosha iyo wixii la mid ah. Biyaha xareedda ah kuma jirto maadada kalooriinta, maadadaan oo si joogto ah loogu daro biyaha tubooyinka ee dabiiciga ah, kalooriinta oo xaddi badani caloosha tagtaa waa mid ka mid ah waxyaabaha keena calool xanuunada.
# Biyaha roobka oo soo saara quruxda timaha.
Sida aan soo sheegay, biyaha roobka kuma jiraan wax kiimiko ah, sidaas darteed, waa biyo fudud oo qafiif ah. Qafiifnimadaas darteed, markii timaha lagu meydho, waxay dhaqso u gaadhaan timaha guntooda, waxa ayna si fudud ula fal galaan shaampada iyo saabuunta oo isla markaaba xumbeeya, wixii wasaq ahaa ee timaha ku jireyna soo saara.    Ku dhaqidda timaha biyo xareed ah, waxay timaha ka dhigtaa kuwo degdeg u baxa, iyada oo la isticmaalayo shaampo yar, ka dibna saliid la mariyo, waxaana markiiba la dareemaa in timihii la maareyn karo oo ay aad u nuurayaan.
# Biyaha roobka oo jidhka ku haboon. Haddii uu qofku  ku qubeyso (meydho) biyo xareed ah, wuxuu qofku dareemaa jawi ka duwan biyaha kale, haddii uu si joogto ah ugu meydho intii muddo ah, wuxuu jidhkii qofku noqonayaa mid dabacsan oo dhalinyaro ah, inta badan haaraha iyo finanka jidhka ayaa ka masaxmaya. Waa in uusan qofku ku meydhan roobka oo da'aya muddo ka badan 15 daqiiqo. 15 daqiiqo ka dibna waa in uu qofku cabaa koob wax kulul ah sida koob shaah ah. Caruurta dhax dhaxaadka ahna waa sidaas oo kale. Haddii uu qofku ku dhex jiro roobka oo da'aya muddo badan, waxay u badan tahay in uu qarqaryoodo oo uu aad u dhaxamoodo isla markaana uu kaadi badan keeno.
# Biyaha roobka ee keydka ah, waa in si haboon loo keydiyaa, oo la daboolaa,  la shaandheeyaa oo la karkariyaa oo la qaboojiyaa, ka hor inta aan la cabin.
# Haweenka uurka leh iyo ilmaha naaska nuuga waa in ay biyaha keydka ah, iska shaandheeyaan oo la karkariyaa oo la qaboojiyaa, ka hor inta aysan isticmaalin.
# Guud ahaan, nadaafadda jidhka, dharka, hoyga, alaabta iyo suuliga waxaa ku haboon oo si sahlan loogu nadiifin karaa biyaha xareedda ah. Biyahaan oo loo sameysan karo keyd biyood gaar ahaaneed iyo mid guud ahaaneedba.
Ku dadaal ilaalinta nadaafadda biyaha xareedda ah, haddii aad keydineysid si aanaay uga dilaacin cayayaanno kala duwan sida Kaneecada iyo Lulumaha biya ka dhex dhasha.

BIYAHA XAREEDDA WAA BIYAHA UGU FIICAN DUNIDA HADDII SI WANAAGSAN LOO MAAREEYO.
Talo SAARO Allaah

Offline Akhaa Binu Jowhari

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 130
  • Points: +0/-0
  • Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
Re: Su'aal: Cabista biyaha xareedda?
« Reply #2 on: November 07, 2017, 09:57:02 PM »
Masha Allh, aad  ayad u mahad santahay, Sida wanagga badan aad iiga soo jawaabtey. Jazkllah Cilmi
Allow Dhakhaatiirteenna Noo Dhowr Meel Walba Oo Ay Joogaan.

Aamiin Aamiin.


 

Su'aal: Cabidda Shaaha Iyo Biyaha Cusbada Laga saray Makeni Kartaa Kaadi Xannun?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18733
Last post August 08, 2011, 07:55:39 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeni karo in qofka dhaqso biyaha kaga yimaadaan?

Started by BadarcuneBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13697
Last post November 21, 2011, 10:09:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Biyaha Caagadaha Kujira Ee Morgaraysan (Bottled Water) Khatar Mayihiin?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7614
Last post October 16, 2015, 11:59:11 AM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35710
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxa Aan Ku HunGoobay Siikada (Gacanta Biyaha La iskaga Keeno)?

Started by Wiil.SoomaliyeedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15756
Last post January 09, 2016, 03:57:35 PM
by SomaliDoc