Author Topic: Su'aal: Digirta Salabukada?  (Read 6534 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Akhaa Binu Jowhari

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 130
  • Points: +0/-0
  • Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
Su'aal: Digirta Salabukada?
« on: November 08, 2017, 03:33:56 PM »
Asc...
Doc, ugu horeyn waad Salaman tahay, waxa Doonaya in wax kaa su'aalo Digirta magaceedu layiraahdo (Salabuko) Waa iniin yar yar oo Cagaaran, Inta badan istacmaalkeedu Bulshada uu ku yar yahay, Walow meesha aan joogo lagama yiqaano cunisteed. Marka Doc, Habeenkii aan istacmaalo markaan seexdo waxan isku arkaa iyadoo dib igu soo laabato, waan kayaabay Ma'ahan soo laabasho Qaarjeex ama laab jeex, Waa qof Soo dilqi raba cunidii uu cunay.
markii aan cuno aan seexdo waxan ku soo buraarugaa anigoo is oranayo sariirta waad haleysay. baan ku soo booda. mar ma'ahan waa 3 Habeen ayaan Daraasaad ku sameey Tabtii ayan Nodaa.

tusaale Digirta Xamareeda ah oo Gaduudan markan cuno, sidaas iskuma arko. Markaan cuno Baasto oo suugaysan weliba ka dhergo sidaas ma noqdo. waxa is iri Digirtaan Salbukoda ah wax baa u dheer far baa u taagan. maxay is dheer yihiin Digirt nuuca la istacmaalo iyo middan Cagaareyda ah Salbuko?

ma aniga wax iga qaldan yacni anigo caloosha ii buuxda miyaa sabab u ah  "No" wax ka culus ban cunay lkn ayada keligeed maxay kacdoonkan igu wadaaaaaa?

Doc Mahasanid


Allow Dhakhaatiirteenna Noo Dhowr Meel Walba Oo Ay Joogaan.

Aamiin Aamiin.


Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Digirta Salabukada?
« Reply #1 on: November 10, 2017, 11:53:55 PM »
Marka hore, waxaa jirta digirta Salbukada oo ah digir cagaaran oo siyaabo kala duwan loo isticmaalo, sida in lagu karsado bariiska, in la kariyo waqti galab ah oo lagu daro Saliid Macsaro, ka dibna meel la dhigo ilaa subaxda dambe, waqtigaas oo la cunni karo, waxaa kale oo lagu darsan karaa Malab, ka dhigista bajiye iyo in waxyaabo kale oo badan laga sameeyo.
Haddii ay digirtaan qofka u keento xasaasiyad waxaa uu cabi karaa Caano Geel.
Digirta Salbukada waxay leedahay: Protein iyo Carbohydrate wax tarkeda waxaa ka mid ah in ay lee dahay macaadin sida Calcium, Copper, Potassium, Magnesium, Phosphor,  Sulfur, Folic Acid, Vitamin B1, Vit C, Vit E. Iyo Silver.
Sido kale wax tarkeda waxaa ka mid ah in ay Xoojiso xubnaha jidhka, baabi’isana jajabka wajiga, caloosha waa ay jilcisaa, waxaa kale oo ay dawo u tahay xabad xanuunka, waana qandha jabiye, sidoo kale waxa loo qaataa nafaaska (caadada) oo aan hagaagsaneen, waxay xoojisaa difaaca jirka, waxa ayna u roon tahay lafa xanuunka, dhabar xanuunka , dheefshiid xumidana wax wayn ayey ka tartaa, waxa ay hoos ayay u dhigtaa sonkorta.
Digirta salbukada waxay ka hortagtaa kansarka dhiiga ku dhaca iyo baabasiirka, wando xanuunka, dhiig karka, nabraha wajiga ka soo baxa, sunta ayey  jidhka ka saartaa, dhiiggana way nadiifisaa,  waana waxaanay qurxisaa maqaarka, culayska way siyaadisaa, sido kale waxay wax wayn ka qabataa qufaca, cunaha, romatisimada iyo kalastaroolka waxayna yareysaa daalka.
Xaaladda aad ka sheegatay digirtaanna waxay u baahan tahay in aad wax ka badashid qaabka aad u cuntid, wax yaabaha aad ku darsatid iyo waqtiga aad cuntid.

Haddii aad qabtid, su'aalo dheeraad ah, fadlan, ku soo qor Qeybta Su'aalaha;- New Topic.
Amma riiix:
Halkaan
Talo SAARO Allaah

Offline Akhaa Binu Jowhari

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 130
  • Points: +0/-0
  • Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
Re: Su'aal: Digirta Salabukada?
« Reply #2 on: November 11, 2017, 07:25:43 AM »
Masha Allh, Dr, cilmi waan ku raaxaystay qormadaada aad ka diyaarisay Digitya Salbukada waan kaaga mahad celinaya rin ahaantii
Allow Dhakhaatiirteenna Noo Dhowr Meel Walba Oo Ay Joogaan.

Aamiin Aamiin.


 

Su'aal: Digirta/Cambuulada qofka gaaska qabo ma u daran tahay?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 10524
Last post February 18, 2012, 11:03:37 PM
by Naale
Qiimaha Caafimaad ee Digirta

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 35087
Last post April 01, 2016, 08:20:30 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Digirta waan ku laabjeexaa?

Started by Ibrahim AbikarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2326
Last post December 03, 2017, 06:16:22 PM
by CilmiSabca