Marka hore, waxaa jirta digirta Salbukada oo ah digir cagaaran oo siyaabo kala duwan loo isticmaalo, sida in lagu karsado bariiska, in la kariyo waqti galab ah oo lagu daro
Saliid Macsaro, ka dibna meel la dhigo ilaa subaxda dambe, waqtigaas oo la cunni karo, waxaa kale oo lagu darsan karaa
Malab, ka dhigista bajiye iyo in waxyaabo kale oo badan laga sameeyo.
Haddii ay digirtaan qofka u keento xasaasiyad waxaa uu cabi karaa
Caano Geel.
Digirta Salbukada waxay leedahay: Protein iyo Carbohydrate wax tarkeda waxaa ka mid ah in ay lee dahay macaadin sida Calcium, Copper, Potassium, Magnesium, Phosphor, Sulfur, Folic Acid, Vitamin B1, Vit C, Vit E. Iyo Silver.
Sido kale wax tarkeda waxaa ka mid ah in ay Xoojiso xubnaha jidhka, baabi’isana jajabka wajiga, caloosha waa ay jilcisaa, waxaa kale oo ay dawo u tahay xabad xanuunka, waana qandha jabiye, sidoo kale waxa loo qaataa nafaaska (caadada) oo aan hagaagsaneen, waxay xoojisaa difaaca jirka, waxa ayna u roon tahay lafa xanuunka, dhabar xanuunka , dheefshiid xumidana wax wayn ayey ka tartaa, waxa ay hoos ayay u dhigtaa sonkorta.
Digirta salbukada waxay ka hortagtaa kansarka dhiiga ku dhaca iyo baabasiirka, wando xanuunka, dhiig karka, nabraha wajiga ka soo baxa, sunta ayey jidhka ka saartaa, dhiiggana way nadiifisaa, waana waxaanay qurxisaa maqaarka, culayska way siyaadisaa, sido kale waxay wax wayn ka qabataa qufaca, cunaha, romatisimada iyo kalastaroolka waxayna yareysaa daalka.
Xaaladda aad ka sheegatay digirtaanna waxay u baahan tahay in aad wax ka badashid qaabka aad u cuntid, wax yaabaha aad ku darsatid iyo waqtiga aad cuntid.
Haddii aad qabtid, su'aalo dheeraad ah, fadlan, ku soo qor Qeybta Su'aalaha;- New Topic.
Amma riiix:
Halkaan