Author Topic: Dabeecad Wanaagsan Laakiin Waswaaska U Nugul.  (Read 13101 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Dabeecad Wanaagsan Laakiin Waswaaska U Nugul.
« on: November 11, 2017, 04:17:24 PM »


Bismillah,

Wuxuu casharkaan jawaab u yahay qofkii cabashadiisu u qornayd sidatan: "Waxaan leeyahay dabci aan garanayn inay dadka kale ila qabaan, waxaan jeclahay in wax walba ay sinnaadaan ama dhameestirmaan, wixii kala qallooco ama kala dheer inaan isku aadiyo ayaan ku dadaalaa, wax walba siday isku leeyihiin ayaan iskugu aadiyaa, tirada iyo midabada siday isku qaadan karaan ayaan isku raaciyaa markaan wax habaynayo, haddaan meel igu cusub qof ku sugaayo waxaan waqtiga ku lumiyaa tirinta waxyaabaha tirsami karo oo halkaas ka muuqdo, waana necbahay isku dhexyaaca, nadaafad xumada iyo kala daadsanaanta, mararka qaar waxaan is dhahaa waxaad waqti ku lumisaa waxyaabo maalaa yacni ah!, marka ditoorow dabcigaan muxuu yahay, maxaase iga qaldan".


Cabashadaan waxay ka tarjumaysaa dabciyo jiro laakiin aysan dadka leh badanaa jeclayn inay ka sheekeeyaan si aan loogu malayn inay wax ka qaldan yihiin, laakiin dabeecadahaan maahan astaan cillad inkastoo haddii ay xadka ka baxaan isku baddali karaan xanuunka shakkiga iyo waswaaska ee loo yaqaano "OCD".

Maxaa lagu gartaa dadka dabeecadahaan leh?
Waxay dadka dabeecadahaan leh caan ku yihiin arrimahaan soo socda:
  • Nadaafadda: Waa dad jecel nadaafadda iyo wax nadiifinta sida jirka, dharka, maacuunta IWM.
  • Tirinta: Waa dad jecel wax tirinta, xisaabinta iyo tirakoobka.
  • Toosinta: Waa dad jecel wax toosinta iyo habaynta sida alaabta iyo qalabyada guriga yaallo.
  • Hubinta: Waa dad jecel inay dhowr jeer hubiyaan wixii ku taagan markaa sida albaabada, tubooyinka biyaha, haanta gaaska IWM

Ku dadaalidda afartaas sifo maahan astaan cudur, waana arrimo la mahadiyo laakiin markii ay xadka ka baxaan waxaa qofka ku abuurmi kara shakki in meel uu nadiifiyay inay weli wasakh tahay sida weesada ama salaad xirashada oo kale ama tiro uu xisaabiyaya inay qaldan tahay. waxay dabeecaddu markaas isu badalaysaa heer cudur, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan markay dabeecaddaan cudur noqoto ama isku badasho: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3700.0

Maxaa lagu fahmi karaa inay cudur isku badali rabto:
Waxaa lagu fahmi karaa in howlaha kale ay kaa mashquuliso dabeecadaan oo ay kugu noqoto arrin mar kasta ku hortaagan, Tusaale: adigoo howl kale haysta haddii aad aragtid wax khaldan oo maskaxdaadu diidan tahay sida nadaafad darro ama wax isku dhex yaacsan, kadibne aad u istaagtid oo howshii muhiimka ahayd aad u dayacdid, taasi waxay isku badalaysaa cilladda "OCD".

Maxaa ka mid ah dabeecadaha kale ee leeyihiin dadkaan?
Haa, dadkaan waxay leeyihiin dabeecado kale oo aad u wanaagsan, kana baxsan kuwa halkaan ku xusan, waxaana shakhsiyadooda loo yaqaanaa "Conscientiousness", halkaan ka akhriso shakhsiyadda dadka leh dabeecadahaan si aad u fahantid la dhaqankooda: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7943.0.html

Dadkaan maxay dadka kale dheer yihiin?
Maadaama ay yihiin dad leh dabeecado badanaa la isku booriyo waxaa aad u raadsado shirkadaha iyo hay'adaha ku shaqada leh howlaha aan looga maarmin dabeecadahooda, waxaana ka mid ah: shaqooyinka bankiyada iyo xawaaladaha maadaama ay dhif tahay in dadkaani lacag ku lunto ama si hubin la'aan ah wax lagu marsiiyo.
Waxaa kaloo aad loogu raadiyaa howlaha nadaafadda la xiriira sida guryaha, hoteelada iyo maqaayadaha, aad ayayna uga soo baxaan howlahaas. Waxaa kaloo aad u raadiyo warshadaha ku shaqeeyo mashiinnada oo alaabaha tirada badan soo saara.

Sidaa darteed waa dad leh dabeecado fiicfiican, laakiin waa dad u nugul inay ku talax tagaan oo shakki iyo waswaas ku abuurmo, sidaa darteed waa muhiim in ay raacaan talooyinka ku xusan labada qoraal ee kore.

Sideen ku ogaan karaa inaan ku jiro dadka dabeecadahaan leh?
Sawirka kore ee ka muuqdaan 3-da goobaabin oo midabkoodu casaanka yahay haddii aadan illaa iyo hadda ka dareemin wax khalad ah, dabcigaan ma lihid, halisne uguma jirtid cilladda waswaaska.

Haddii aad u baahan tahay faahfaahin dheeraad ama latalin khaas ah igala soo xiriir boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Ciid Mubaarak - Ciid Wanaagsan.

Started by AdminBoard Announcements

Replies: 0
Views: 18104
Last post July 16, 2015, 09:22:08 PM
by Admin
Happy Eid - كل عام وأنتم بخير - Ciid Wanaagsan

Started by AdminBoard Announcements

Replies: 9
Views: 18644
Last post December 25, 2007, 04:03:47 PM
by Geeljire
Waxyaalaha kuu sahli kara diyaarinta khudbad wanaagsan

Started by dr-awaleBoard Feel Free Here

Replies: 0
Views: 21988
Last post December 13, 2008, 03:42:16 PM
by dr-awale
Su'aal: Shaaha Cagaaran Iyo Habka Ugu Wanaagsan Ee Loo Cabi Karo?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6445
Last post December 05, 2015, 01:06:18 PM
by SomaliDoc
Cabirka ugu wanaagsan ee Miskaha Haweenta Uurka leh

Started by AbdulkadirccBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 13880
Last post November 06, 2009, 01:12:15 PM
by SomaliDoc