Author Topic: Maalintii Wuu Diifaa, Habeenkiina Wuu Qufacaa.  (Read 41026 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Maalintii Wuu Diifaa, Habeenkiina Wuu Qufacaa.
« on: December 01, 2017, 04:30:01 PM »


Bismillah,

Maanta casharkeena waxaan ku falaanqayn doonnaa cillad hordhaceedu aan ku soo bandhignay boggeena "Facebook" taasoo sidaan u qornayd: "Waxaa ii jooga cunug maalintii oo idil sankiisa duuf ka dureero, habeenkiina qufac la soo boodo illaa mararka qaar uu la matago, laakiin sidiisa kale qandho ma lahan, maalintii ma qufaco, cunnadiisa iyo muuqaalkiisa ma xuma, muddo ayuu sidaan yahay, dhakhaatiirtuna dhowr jeer sharoobooyin qallajiye ah ayay u soo qoreen wax isbadal ahne kagama garan, ee dhakhtarow maxay noqon kartaa cilladaan, sideese loo daaweeyaa?"

Waa maxay cilladaan?
Cilladaan waa mid aad ugu badan caruurta laakiin nasiib xumo waxaa lagu khaldaa badanaa xanuuno kale sida hargabka, quumanka, burkiitada, xiiqda IWM, kadibne caruurta waxaa loo qoraa qallajiyeyaal "antibiotics" kuwaasoo aan waxba u tarin, qaarne waxay dhakhaatiirta u qoraan daawooyinka Allarjiga, laakiin waxtarkoodu waa kooban yahay oo inta daawada socoto way ku fiicnaadaan caruurta.

Cilladaan waxay ku badan tahay caruurta aan la nuujin ama muddo ku filan aan la siinin naaska hooyada, sidaa darteed waa muhiim in hooyadu ay ku dadaasho in caruurteeda ay laba sano nuujiso, halkaan ka akhriso qoraal ka hadlayo faa'idooyinka caafimaad ee naas nuujinta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=382.0

Xanuunkaan waa nuuc ka mid ah xasaasiyadda ama allarjiga kaasoo sabab u noqdo in xuubka sanka ku dahaaran uu qoyaan badan soo daayo, taasoo maalintii diif ahaan loo arko, habeenkiina markuu cunuga jiifsado duufkii ayaa dib ugu laabto oo wuu ku sixdaa kadibne qufac aan kala joogsi lahayn ayuu la soo boodaa illaa mararka qaar uu la matago, waxaana u daran markuu jawwiga kulul yahay ama qolku cub yahay, cilladaan ma lahan wax qandho ah, cunugane wax xanuun ah kama muuqdo maalintii, cunnadiisuna waa caadi, sidaane wuxuu cunugga ahaan karaa bilooyin badan. waxaa cilladaan loo yaqaanaa "Postnasal Drip Syndrome".

Haddii astaamaha kore ay la socdaan qandho, ama qufac maalintii ah ama cuna xanuun ama neefsashada oo cunugga ku dhagayso ogow talooyinkaan kuma filna cunugga waa inaad dhakhtar u gaysaa si loo wiisiteeyo, cunahane looga fiiriyo.

Sidee loo baaraa xanuunkaan?
Xanuunkaan wax baaritaan ah oo lagu sameeyo ma jiro, dhakhtarkuna wuxuu ku garan karaa waraysiga hooyada iyo wiisito muuqaaleed mana ahan xanuun soo booddo ah oo caruurta muddo dheer ayay sidaan ahaadaan xilliyada qabowgane aad ayaa loogu arkaa. 

Sidee loo daaweeyaa cilladaan?
Marka hore waa in caruurta cilladaan qabo aan qallajiye la siinin khaasatan haddii aysan qandho lahayn.

Midda xigta daawooyinka Allarjiga way caawiyaan cilladaan laakiin waa ku meel gaar oo inta ay daawada qaadanayaan way ku fiicnaadaan, laakiin maalmo kadib sidii ayay ku soo laabtaan.

Daawada ugu haboon ee caruurtaan lagu la tacaalo aadne ugu roonaadaan waa xabad sowdada iyo geedka huruuda.

Sidee loogu daaweeyaa xabad sowdada?
Xabad sowdadu waa daawada ugu fiican ee loo qaato xasaasiyadda iyo allarjiga nuucyadiisa kala duwan, horayne waxaan uga hadalnay sida sanboorka looga takhalluso xabad sowdada oo aad halkaan ka akhrisan kartaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5658.0

Qaabka loogu daaweynayo waa in saliidda xabad sowdada subaxdii iyo habeenkii sanka qeybtiisa hore loo mariyo iyadoo labada farood lagu soo qooyo, kadibne sanka loo saaro, habeenkiina marka uu sii jiifanayo cunugga ayaa dhuunta illaa xabadka loogu subkiyaa saliidda xabad sowdada.

Haddii cunugga uu cabburan yahay ama sanka uu ka xiran yahay oo uu afka ka neefsanayo waa in saliid xabad sowdada lagu uumiyaa intii sanka loo marin lahaa, qaabkane waa in biyo la karkariyo, kadibne waxaad ku dhibcinaysaa 5 dhibcood oo saliid xabad sowdo ah adiga oo cunugga dhabta ku hayo ayaa isku daboolaysaa qiiqa iyo kuleelka biyaha si uu cunugga u qaato.

Sidee loogu daaweeyaa Huruudda?

Huruuddu waa daawo dhireed aad ugu fiican xanuuno badan, isagane horay ayaan uga hadalnay xanuunada lagu daaweeyo iyo waxtarkiisa caafimaad adigoo ka akhrisan kara halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7094.0

Qaabka cilladaan loogu daaweeyo waa in geedka huruudda oo fresh ah in la hoolo ama la xoqo kadibne budadiisa in la eg qaadada yar in lagu karkariyo koob caano ah, kadibne habeenkii ayaad siinaysaa cunugga inta uusan jiifan.

Haddii aad sidaa u samaysid cunugaaga dhowr habeen oo isku xigta, diifka iyo qufacaba way istaagi doonaan insha'llah, laakiin waa in loo sii wadaa muddo 10 maalmood ayaa si cilladaan aysan ugu soo laaban.

Ogow haddii aadan heli karin geedka huruudda, way kugu filan tahay saliid xabad sowdada, laakiin waa inaad joogteysaa muddo 20 maalmood ah.

Insha'llah waxaa hubaal ah inaad ku guulaysan doontid tijaabadaan oo caruur badan horay uga bogsadeen cilladaan "Postnasal Drip Syndrome".

Caruurta cilladaan qabo waa in laga ilaaliyaa waxyaabaha qabow sida barafka, jallaatada IWM, sidoo kale nacnaca la dhuuqo waa in loogu badalaa kan la calaajiyo ama la muudmuudsado haddiiba aad u gadaysid.

Fadlan ha hilmaamin in aad nala socodsiisid wixii isbadal aad ka dareentid daaweyntaan, adigoo farriin noogu dhaafa qeybta messages-ka boggeena Facebook si aan ula wadaagno asxaabta kale: https://www.facebook.com/HealthySomalia/

Caafimaad baan idiin rajaynayaa idinka iyo caruurtiinaba. Mahadsanidiin.


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Hurdada maalintii ma looga maarmaa mida habeenka?

Started by Cali AsaaroBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 30277
Last post May 23, 2015, 04:04:31 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay QAROWGU uu qofku ku hadlo maalintii?

Started by Mo DigdigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4737
Last post March 09, 2016, 01:04:36 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Galmada maalintii dhib iyo dheef?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17109
Last post April 16, 2015, 10:43:29 AM
by SomaliDoc
Naqaska ayaa idhibo kadibna waa qufacaa

Started by BarseyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 3002
Last post February 06, 2020, 04:32:02 AM
by Barsey