Author Topic: Su'aal: Xanuun aan garan waayay?  (Read 3155 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline YUUSUF.ALI

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xanuun aan garan waayay?
« on: December 04, 2017, 05:25:31 PM »
Assallamu allaikum
Salaan kabacdi aad ayaan idiinkaga mahad celinayaa qaabka habsamida leh ee aad bulshada ugu adeegtaan.
kheyr allah ha Idinsiiyo Insha allaah

Fadlan iga caawi tigtoore

Mudo ilaa 4 bilood ah waxaan dareemayaa xanuun aan ebidkeey maqal calaamadihiisa oo kale

Waxaan dareemayaa wax sida qandhadii oo kale ah oo waxaan jirkeeyga intiisa kale markaan gacanta saaro dareemayaa kuleyl ama qandac wata qabow
Margiyo xanuun iyo cuna xanuun/quman xanuun
Markaan xaakoodo waxaa xaakadeeyda soo raaca midab sida dambaskii oo kale ah iyo wax aad moodo bariis oo urbadan

Wax aad moodo sanboor iyo qufac ayaan lasoo toosaa markaan hurdada kasoo kaco
Lafaha iyo jirka oo dhan ayaa I damqanaaya
Waan u tagay dhaqtar baaritaan kadib waxa uu igu dhahay infectionka sanka ayaa ku haayo dawooyin ayuu isoo siiyay qaar sanka laiskaga shubaayo iyo kaniinyo
Wax aan iskaga dareemayna malahan kadib medical check up ayaan maray waxna laiguma sheegin
Qofkii iisoo dhowaada wuu hindhisaa misna wuu qufacayaa oo waxa uu noqonaayaa sideeyda oo kale .......






Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Xanuun aan garan waayay?
« Reply #1 on: November 30, 2018, 07:45:33 PM »
Cudurka dhakhtarka kugu sheegay waxaa la dhahaa "Sinusitis", wuuna keenaa calaamadaha aad dareemaysid markii laga reebo shakkiga ah qofkii ku soo agfadhiistaa inuu qufacayo ama hindhisayo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5636.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33269
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32322
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23513
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41635
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun lugta xaga hoose ee u dhaxaysa labada kuraamood kuna qotonta cidhibta?

Started by GaadhhayeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29433
Last post December 23, 2010, 07:28:23 PM
by SomaliDoc