Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Waxaan dareemay murqo xanuun galmada ka dib?
(1/1)
Daauudgalaydh:
Waxaan sameeyay galmo, 24 saac ka bacdi waxan dareemay murqo xanuun iyo daal, gaar ahaan cajarada, qanjidhda lugaha iyo badhida.
Waxaa isoo wajahay walwal ku saabsan amaa xanuun qaaday oo galmadii kaa soo raacay wuxuu doonaba ha'ahaadee, markaa waxan rabay in la ii iftiimiyo ciladan haday tahay xanuun ama wax kalaba iyo wixii talo ah oo aad isiinaysaan. Waad mahadsantihiin.
SomaliDoc:
Taasi waxay astaan u tahay in murqahaagu xad dhaaf u shaqeeyeen khaasatan markaad isticmaashid daawooyinka xoojiyo galmada, dhalinyaro badan oo isticmaasha malabka malaysiyaanka oo lagu soo dhex qariyo daawada Viagra-da ayaa dhibkaan keenta, akhriso faahfaahinta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5503.0
Navigation
[0] Message Index
Go to full version