Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Lugta ayay ka jabtay?
(1/1)
Qodax Nur Abdi:
assalamu alaykum, doctor waxaa dhacday gabadh ayaa ka dhacday gaadhi kadib lowga ayey si xun uga jabtay, muddo dhan 2 billood ayey lugtu fidsan tahay oo ayna laabi karin, xaata darenki aya ka tagay aad ayeyna ubarartay, lugtii kale ee caafimadka qabtayna way saamaysay, wax dawo ah na lama siin illaa iyo muddadaa 2 bilood ah, Ee doctor jabniinka noocaas ah ee lawga wax dawo ah ma leeyahay? ama maxa lagu dawaynkara ? Maxaase u roon oo aad nagula talin lahayd? Mahadsanid. Doctor
CilmiSabca:
Marka uu qof ka jabo laf amma lafo, waxaa muhiim ah, in sida ugu dhakhsaha badan loo geeyo Xarun Caafimaad (Cisbitaal) amma Dhakhtar qaabilsan qalliinka iyo kabidda jajabka lafaha.
# Waa in aad gabadha u geysaan Dhakhtar si uu xaaladda lugta u arko.
Waxaa laga yaabaa in lagu sameeyo qalliin, si loo saxo lafaha iyo murqaha giigsameyba.
# Marka uu arko Dhakhtarka, ayuu daawo u qorayaa oo uu idiin sheegi doonaa wixii talo ah ee aad u baahan tihiin.
Halkaan hoose ka akhriso qoraal ku saabsan:-
Cunnada Kabta Lafaha
Haddii aad qabtid Su'aalo dheeraad ah, ku soo qor Qeybta Su'aalaha; New Topic.
Riix Halkaan
Navigation
[0] Message Index
Go to full version