Author Topic: Su'aal: Cilladda Varicocele iyo saamaynteeda muddada fog?  (Read 3908 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Ali Omar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Cilladda Varicocele iyo saamaynteeda muddada fog?
« on: December 09, 2017, 05:42:25 PM »
Asc. Dr aad baad u mahadsantahay. Khayr badan Allaha kuugu bedelo shaqada wacan eed Soomaali u hayso. Waxan akhristay qoraal aad ku faahfaahisay cilladda Varicocele. Calaamadahan varicocele eed sharaxday ayaan isku arkay muddo 10 sano ka hor ah. Wax xanuun ah ma lahayn balse burtuqyo ayaan ka dareemay xiniinta bidix korkeeda iyo gadaasheeda hoosna way u dhaadhacday. Warwar badan baan ka qaaday markii aan isku arkay. Ilaa xilligaas waxba iskama bedelin; macnaha xanuun kuma soo kordhin calaamadihiise wali way muuqdaan. Hadda 33 jir baan ahay 6 sano kahorna waan guursaday. Allaah mahaddii 3 carruur ah baan dhalay oo midka ugu yari bilooyin jiro. Maaddaama aan akhristay in xanuunku muddo qaato oo uu aakhirka dhib keeni karo ayaan damcay inaan talo ku waydiiyo. Ma u baahanahay inaan dhakhtar aado anigoon qabin wax dhib ah oon ka ahayn burtuqyo xiniinta bidix korkeeda ah iyo xiniinta oo ka dheeraatay ta kale muddo 10 sano kahor ah ilaa muddadaasna sidaas ahayd?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cilladda Varicocele iyo saamaynteeda muddada fog?
« Reply #1 on: December 01, 2018, 09:23:36 PM »
Maya, uma baahnid inaad dhakhtar kala xiriirtid arintaas, wax dhib ahne kugu keeni mayso insha'llah...
Burtuqyo aan dhib kugu haynin oo Alle caruur kugu siiyay, dad badan ayaa kula qaba, daawane uma baahno.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Cudurka Varicocele ama Somalidu utaqaano Galaha ayaan qabaa

Started by FurqaanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10309
Last post June 24, 2014, 02:25:54 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka xiiinyaha ku dhaca ee Varicocele?

Started by Khaalid YusufBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4806
Last post June 05, 2015, 07:06:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Subaga idaha iyo Galaha (Varicocele)?

Started by AbdulcadeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 12010
Last post January 26, 2018, 07:03:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan qabaa cudurka a (Varicocele)?

Started by DaaniBoard Cudurrada Guud

Replies: 1
Views: 17725
Last post November 29, 2018, 04:55:45 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa la iga qalay Varicocele?

Started by m.mo141Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2491
Last post December 08, 2017, 06:25:41 PM
by Akhaa Binu Jowhari