Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Dhiig la,aan jawaab dag dag ah please?
(1/1)
Kamaal:
Asc somalidoc aad baan idin kugu mahacelinaynaa markasta
Suaashayda maanta
Digtoore aad ayaan u walwalsanahay waxaa iso food saartay dhiig la,aan baaxsan sanadkan 2017 bilowgisa dhaqtar ayaan u tagay wuxuu ii sheegay in dhiigaygu aad u yaryahay cabirkisana yahay 10. Wuxuu ii diray qalabka caloosha looga fiiriyo in dhiig ka socdo waxba waa la iga waayey wuxuu ii qoray kaniini maanta oo taarikhda tahay 12/11/2017 waxaa ku noqday dhaqtarkii wuxuu ii sheegay in dhiigaygu marayo 6. Taas oo aad uga niyad jabay wuxuu ii diray qalab scan ah walina ma aadin marka please i caawi
Akhaa Binu Jowhari:
Kamaal, Halkaan ka Akhriso, qoraallo la xariira Dhiig yarada.
waa maxay dhiig yarada
macadanta xididada
cuntooyinka dhiigga kordhiya
Haddii aad qabtid wax su'aal ah hakaan hoose
Riix
Kamaal:
Asc digtoore wad ku mahadsantahay jawaabta wacan lkn wali walwal ayaa ihaya
Dhaqtarkii wuxuu ii sheegay in buro dhiig siidaynaysa iga taalo mindhicirka yar taas oo sababaysa dhiig la,aanta sidokale waxaa isku arkay black stool digtoore maxaad filaysaa
Akhaa Binu Jowhari:
--- Quote from: Kamaal on December 18, 2017, 11:52:06 AM ---Asc digtoore wad ku mahadsantahay jawaabta wacan lkn wali walwal ayaa ihaya
Dhaqtarkii wuxuu ii sheegay in buro dhiig siidaynaysa iga taalo mindhicirka yar taas oo sababaysa dhiig la,aanta sidokale waxaa isku arkay black stool digtoore maxaad filaysaa
--- End quote ---
Kamaal, sida aad sheegtay in aad Dhakhtar u tagtay, uunna kuu sheegay in Buro kaaga taalo Mindhicirka, oona jiro (Bleeding inside) sida hadalkaga ku cad.
Tallo:Takhtarkaaga kala tasho nooca qalliinka uu noqon karo iyo dhibaatada uu kuu keeni karo mid walba.
Waxan Alle kaaga Rajeynayaa in aad ka bogsooto insha Alh.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version