Author Topic: Su'aal: Qanjiro kuusan ayaa waraqda iiga yaallo?  (Read 12137 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Maaji29

  • Newbie
  • *
  • Posts: 17
  • Points: +0/-0
Su'aal: Qanjiro kuusan ayaa waraqda iiga yaallo?
« on: December 20, 2017, 07:33:23 AM »
Dr Asc wax yaalo qanjiro kuus cml waxaan kadareema qeyb kami ah lugta cajirada kore meesha udhow kalgosyada kuxirma meelaah sare




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qanjiro kuusan ayaa waraqda iiga yaallo?
« Reply #1 on: December 03, 2018, 04:34:04 PM »
Qanjirrada ku yaallo waraqda waxaa loo yaqaanaa "inguinal lymph nodes", waa qanjiro difaaca jirka la shaqeeyo hadidi ay bararaan waxay astaan u tahay in meelaha ka agdhaw ama lugta in infekshan ka jiro, waxaa markaas muhiim ah in qofka uu soo raaciyo astaamaha kale ee uu isku arkay sida kaadida oo gubayso, xiniinyaha oo jira, dhabar xanuun, qandho, lugta oo bararan ama nabar ku yaallo, haddii intaasba aysan jirin in qanjirka laftirkiisa jiran yahay ayaa laga yaabaa oo baaritaan ayaa lagu sameeyaa iyadoo dheecaan laga qaadayo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: