Author Topic: Sida Loo Baab'iyo Qolofta Cagta..!  (Read 33089 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Sida Loo Baab'iyo Qolofta Cagta..!
« on: December 20, 2017, 03:07:22 PM »


Bismillah,

Waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa cillad badanaa lagu arko cagaha, aadne ugu badan bulshada, cilladaasoo afka qalaad lagu dhaho "Corns" ama "Callus".

Waxay cilladaan ka timaadaa maqaarka cagta oo adkaado cadaadis saarmay muddo dheer awgeed, kadibne unguyada la cadaadiyay oo dhinta, midabkane isbadalo, waxayna mararka qaar keentaa xanuun iyo danqasho markii la tuujiyo ama si kadis ah loogu istaago. waxaana badanaa lagu arkaa qeybta lafaha cagta ku aadan sida suulka gadaashiis, anqawga, faraha korkooda siiba faryarayda dhinaceeda iyo ciribta.

Badanaa wax dhib ah ma keento, meelo cagta ka baxsanne uma gudubto, mana ahan wax la kala qaado, sida ugu badan daawo la'aan ayay iskaga baaba'daa, weliba adigoon ogayn mararka qaar.

Sababtuna waa qolftii adkayd oo sidii ay u fiiqmaysay iska baaba'day, laakiin markay muddo qaadato, cadaadiskane ku sii socdo, waxay keentaa xanuun siyaado ah taasoo u baahan in xal loo raadiyo.

Yay cilladaan ku badan tahay?
Waxay cilladaan ku dhalataa dadka cagaha qallalan ama qulqulka dhiigga lugahoodu ku yar yahay sida dadka xididada ka jiran ama macaanka qabo, dadka ku nool dhulalka dabeylaha, kabaha furanne qaato iyo dadka xirta kabaha ku dhaggan ama taakada leh.

Sidee loola tacaalaa cilladaan?
Markii hore qalliin ayaa lagu daaweyn jiray, waxaana la jaraa qolofta adag ee samaysantay, kadibne sidaas ayay ku raysataa, laakiin waxaa jira dhiiqooyin ama kareemyo aad ugu roon cilladaan oo la mariyo, waxay baaba'inayaan qolofta adag, waxayna soo reebayaan qoloftii jilcanayd ee cagta lagu yaqiinay, Bamaatada ama dhiiqada loo isticmaalo waxaa la yiraahdaa "Salicylic Acid", waa daawo la gadan karo iyadoo aan dhakhtar kuu qorin waxaa meelaha qaar laga helaa iyadoo goojo camal ah, xanjo camal ah ama sharooto lagu dhajinayo meelaha cilladaan kaa haysato.

Bamaatadaan ama dhiiqadaan lama mariyo meel ka baxsan meelaha qolofta fuushay, dadka macaanka qabane waa inay taxaddaraan markay isticmaalayaan maadaama maqaarkoodu uu jilcan yahay, dhakhsane ku bogsan karin hadduu dhaawac gaaro.

Xanuunada kale ee lagu qaldo cilladaan:
  • Honqorta Cagta: Waxaa cilladaan lagu qaldaa nabro u eg oo ku samaysma cagta oo uu keeno jeermiska fayraska honqorta ama roqorta, cilladaasoo loo yaqaano "Plantar Warts", qoraal hore ayaan kaga hadalnay cilladaan iyadoo faahfaahsan, sawirradeeda iyo qaabka looala tacaalo ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5637.0
  • Caabuqa fangaska ee faraha galo: iyaduna waa cillad lagu arko faraha dhexdooda, kaasoo ka dhasha caabuqa fangaska oo dhididka iyo huurka ka faa'idaysato, halkaan ka akhriso qoraal aan ku faahfaahinnay cilladaan, sawirradeeda iyo siyaabaha loo daaweeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7069.0

Haddii uu jiro xanuun maqaar oo aad ka cabanaysid, waxaad sawirkiisa iigu soo diri kartaa qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Akhaa Binu Jowhari

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 130
  • Points: +0/-0
  • Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
Re: Sida Loo Baab'iyo Qolofta Cagta..!
« Reply #1 on: December 20, 2017, 05:09:33 PM »
Doc, mahasanid sida quruxda badan aad ugu faallootay  Qolofta Cagta, een waxan jaclaan lahaa cudurada ku dhaca cagaha sida, Caynu-Samak oo weliba si dhaqso ah ku raysanayn, meelaha ku dhaco ay kamid yihiin ciribta, suulka hoostiisa iyo farahaba. Baan jaclaan lahaa in wax kaa weydiyo.
Allow Dhakhaatiirteenna Noo Dhowr Meel Walba Oo Ay Joogaan.

Aamiin Aamiin.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Sida Loo Baab'iyo Qolofta Cagta..!
« Reply #2 on: December 20, 2017, 06:32:23 PM »
Caynu-samak waa magac carbeed oo ay carabtu u taqaano cilladda "Honqorta cagta" oon kor ku tilmaamay, booqo link-gaan horay ayaan uga hadalnay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5637.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: