Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Caadada oo iga soo daahda muddo labo bilood?

(1/1)

Shamsa123:
Bismillah, aad baan idinkaga mahadcelin bahda Somali Doctors sida hagar la'aaned ee aad ummadda ugu adeegaysaan. Intaas kadib haddaan su'aashayda ugalo, waxaan ahay 21 jir muddo aan labo sano ka yareyn ayaa waxaa iga soo daahaysa caadada oo markiiba 2 bilood in ku siman bay iga maqnaanaysaa waxaa ii weheliya dhabar xanuun, dhiiggu marka uu isoo hayana asbuucyo ayaan xanuunkiisa soo dareemaa waana ku xanuusadaa markuu igu dhaco. Maalin dhexdaasa ayaan gynecologist utagay, computer baa la isaaray waxayna iisheegtay in ugxansiduhu i karsan yahay ama bararan yahay wax dheecaanana uusan ku jirin. Bal iga jaahil bixiya sida wax ujiraan walaalayaalow. Suaasha 2aadee rabo inaan ku waydiiyo waxay tahay, waxaa i xanuunta caloosha dhanka bidix feeraha aaggooda waxayna iigu daran tahay markaan dharka fadhi ku dhaqo oo aad ayay ii xanuuntaa waxaa kaloo jira calool adeyg, tabar yari, daal, wareer mararka qaar, neef tuur,   appetite xumo, dibbiro markaan wax yar cuno. Ku darsoo gaasna waan qabaa, laakiin gaasku markuu igu kacsanyahay bogga ayuu iga qabtaa iyo uur-ku-jirta oo dhano isla kay xanuunta. Intaas ayaan ka cabanayaa ee faahfaahin iga siiya xanuunnadaas.
Waad mahadsantihiin.
Caafimaad Alle hasiiyo ummadda intii xanuusanaysa iyo anigaba.

CilmiSabca:
Halkaan ka akhriso Xanuunnada la xidhiidha Caadada.
Akhriso qoraallada oo dhan ilaa aad ka gaadheysid jawaabta labaad, sidoo kalena akhriso linkiyada ku hoos taxan jawaabtaan oo aad wax badan ka faa'iidi doontid.
Riix link-gaan;-
https://goo.gl/A6vUDv
Halkaanna waxaad ka akhrisan kartaa qoraal kuu faah faahinaya:
Gaaska

Haddii aad qabtid Su'aalo dheeraad ah, ku soo qor Qeybta Su'aalaha; New Topic.
Riix Halkaan

Navigation

[0] Message Index

Go to full version