Author Topic: Iska Daawee Cuncunka Qoodhaha Dhakhtar La'aan..!  (Read 61356 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Iska Daawee Cuncunka Qoodhaha Dhakhtar La'aan..!
« on: December 25, 2017, 10:38:11 AM »


Bismillah,

Waxaan casharkaan kaga jawaabi doonaa su'aashaan hoose:
Quote
"Waxaan qoorahayga ku arkay cuncun siyaado ah oo aan xoqis kala daalay illaa maqaarka uu fiiqmo, waxayna iigu daran tahay markaan dhidido ama dhar igu dhaggan xirto maalintaas, waxaan kaloo arkayay in duf cad ka kacayso maqaarka qoorahayga markaan aad u xoqo, wax nabro ahne ma lihi, marka dhakhtarow arintaan maxay noqon kartaa?!"


Waa maxay cilladda cuncunka qoodhaha?
Cilladaan waxaa keeno nuuc ka mid ah jeermiska fangaska ee keeno cudurka cambaarta ama cabeebka, wuxuu kaloo jeermiskaan ku dhacaa basada, jirka, kilkilaha, farjiga iyo ciddiyaha.

Jeermiskaan wuxuu ku tarmaa lakabka sare ee maqaarka, wuxuuna ka faa'idaystaa huurka iyo meelaha dhididka leh sida qooraha, waraqda, cajarrada dhexdooda iyo jeexa barida.

Waa jeermis si sahlan lagu kala qaadi karo haddii la isla wadaago shukumaannada lagu tirtirto, dharka la isla gashto iyo musqulaha furan ee la isla isticmaalo ama haddii ay xaaskaagu qabto caabuqa fangaska ee cawrada gala, faahfaahintiisane ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0

Astaamaha lagu garto cudurkaan:
  • Cuncun siyaado ah
  • Mararka qaar furuuruc ka muuqdo qooraha iyo hareerihiisa.
  • Maqaarka oo qolof dhacsado markii la xoqo.
  • Inta cuncunka kaa hayo oo midabkeedu isbadalo illaa bowdyaha.

Sidee lagu xaqiijiyaa inuu cudurkaan ku hayo?
Badanaa waraysiga iyo wiisitada ayuu dhakhtarka ku fahmaa, laakiin waxaa lagu sii xaqiijin karaa baaritaan fudud oo badanaa shaybaarrada laga helo kaasoo lagu baarayo qolofta ama dufta ka kacaysa meelaha aad xoqday oo la soo hoolo, kadibne lagu dhibciyo maaddo loo yaqaano "KOH", kadibne lagu fiiriyo weyneysada si loo arko jeermiska dhibka kugu hayo.

Sidee loo daaweeyaa xanuunkaan?
Daaweyntu way sahlan tahay, waa inaad marka hore biyo iyo saabuun ku dhaqdaa xubintaada iyo hareeraheeda oo idil, kadibne aad marsatid kareemka lagu dilo jeermiska fangaska kaasoo loo yaqaano "Antifungal Cream", waxaa muhiim ah in kareemkaas ay ku jirto 3-daan daawo mid ka mid ah: Terbinafine ama Miconazole ama Clotrimazole.

Kareemkaan ama dhiiqadaan waxay ka mid yihiin daawooyinka la gadan karo warqad dhakhtar la'aan, waxayna leeyihiin magacyo aad u badan, laakiin in daawooyinkaas kore mid ka mid ah uu ku jiro iska fiiri.

Waa muhiim in aadan joojin isticmaalka daawadaan markuu cuncunka kaa joogsado, laakiin waa inaad dhamaysataa laba usbuuc illaa jeermiska uu ka dhimanayo (ogow waa muhiim), haddii intaa ka yar isticmaashid wuu soo laaban karaa xanuunka, haddii intaa kadib cuncunka ku siihayo, fadlan la xiriir dhakhtarka cudurrada maqaarka una sheeg bamaatada ama dhiiqada aad soo isticmaashay.

Sidoo kale dadka cilladaan qabo waxay kaloo isku arkaan in isla fangaska uu kaga dhacay faraha cagta dhexdooda taasoo iaydane cuncun ku hayso, haddii aad taasina leedahay waa inaad isla daawadaan ku daawaysaa, faahfaahinta qaabka iyo xanuunka faraha cagta dhedooda waxa lagu fahmo ka akhriso casharkaan kale: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7069.0

Sidee looga hortagaa xanuunkaan?
  • Dharka lagu jimicsado ama lagu dhidido ha qaadan dhowr jeer oo isku xigxiga.
  • Dacas la'aan ha galin musqulaha la isla isticmaalo iyo meelaha lagu qubeysto markii dabaasha laga soo baxo.
  • Qof hala wadaagin shukumaannada iyo marooyinka lagu tirtirto.
  • Haddii aad xaas tahay, iska hubi in lamaanahaadu aysan qabin caabuqa fangaska ee xubnaha taranka.

Xanuunada lagu qaldo cilladaan:
Waxaa ugu caansan isnidaamiska iyo candhada, faahfaahintoodane ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1078.0

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay ama la talin khaas ah, farriin iigu dhaaf qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: maxa sababa kasoo baxa iska so daba noqda markuu raysto mid?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17721
Last post November 01, 2011, 12:06:51 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa Maxay Dhibaata Ay Keeni Karto Iska Joojinta Cunta Ay Sonkorto Ku Jir

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12110
Last post November 10, 2012, 03:35:58 PM
by SomaliDoc
FILIN: ISKA ILAALI CUDURKA IBOOLA (DANGERS OF EBOLA)

Started by AdminBoard Topics in Healthcare

Replies: 1
Views: 19839
Last post October 19, 2014, 09:59:09 AM
by Admin
Iska Ilaali Khatarta Malabkaan (Etumax Royal Honey)

Started by AdminBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 27586
Last post May 30, 2015, 10:06:06 PM
by Hamse Mohamed
Su'aal: markaan umulo kadib caloosha ma iska xiri karaa?

Started by Deko Ali OmarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10575
Last post May 20, 2016, 09:13:11 PM
by SomaliDoc