Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Labadayda xiniinyood way yar yihiin?
(1/1)
Murad14326:
Salaama Doctors:
Labadeyda Xiniinyoodba aad bay u yaryar yihiin. Ma aqaan sababta wax xanuun ahna iguma hayaan, wax cilad ah iyo wax nabar ahna ma jiraan, marka Yaraantaas baan ka shakiyey Waxaan is ir armay siigada keentay in xiniinyuhu yaryaraadaan. HOreyna Waan u siigaysan jiray.
Mahadsanidiin
SomaliDoc:
Haday arintaan welwel kugu hayso fadlan la xiriir dhakhtarka arrimahaas ku shaqo leh ee loo yaqaano "Urologist" inkastoo cilladaha ay badanaa ragga ka sheegtaan ee ku saabsan cabbirka xubnaha tarankooda aysan waxba ka jirin oo badanaa qiyaas qaldan ay wax ku cabbiraan.
Qooraha marne way shuuqi karaan, marne way balaaran karaan waana wax alle ugu talagalay ee faahfaahinta arintaan ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3313.0
Haddii cilladu iniinta xiniinyaha ay tahayne badanaa iskam yaraato illaa inay cillad jirto mooyee, sidaa darteed si laguu shakki bixiyo, haddii ay cillad jirtane daawo lagugu qoro, fadlan dhakhtarka la xiriir.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version