Author Topic: Su'aal: Kacsi joogto ah iyo dhareerka "Precum"?  (Read 11985 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ahmed_laas

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Kacsi joogto ah iyo dhareerka "Precum"?
« on: January 21, 2018, 09:24:10 AM »
Waxaan ahay nin dhalinyaro ah, da’ ahaana jiro 27. Waxaa dhib wayn iga haaystaa kacsi goor walbo ah, inta badana markaan gabar tellka kula hadlaayo ama wada sheekaysanayno annago is ag joogno (Shukaansi). Hadii aanan ka hadlayn wax sexual ah hataa waxay u badantahay inaan dareemo xoogaa xubinti taranka oo ERECTED noqonayso. Mida kale, mararka qaar, ama inta badan-ba waxaa ka yimaada biyo cad, Af-Somali ahaan wax lagu dhaho ma aqaan, lkn English-ka PRECUM aa la dhahaa. Waan fahmi waayay wax sababo, xanuun kalo ee I haayana ma jiro. Inaan dhaqtar ula tagana waa ka xishooday. Marka waxaan rabaa:

Arrintaas kacsiga joogtada ah, oo xubinta taranka iska kacayso maa caadiyaa mise waa wax cudur sababi karo?
Biyahaan cad ee precum-ka loo yaqaano, iyaga ma wax iska ok ahaa mise dhibaato aa keento?

Maxaana u xal ah labada dhibaataba?
NB: Waxaan ahaa nin aflaanta xun (****) daawashadooda aad u badsaday marki hore. Hadana ka gaaray go'aan inuusan dib danbe u daawan.

Mahadsanidiin.




Offline Akhaa Binu Jowhari

  • Sr. Member
  • ****
  • Posts: 130
  • Points: +0/-0
  • Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
Re: Kacsi joogto ah (Erection) iyo biyo cad (precum) mararka qaar ah
« Reply #1 on: January 21, 2018, 05:43:19 PM »
Ahmed, tallo aan ku siiyo si walaltinimo leh, inta dhakhtarka kaaga soo jawaabin su'ashada.
Haddii aad isku aragtay Kacsi badan aadan lahayn Xaas, fadalan guurso si aad ugu bad baado dambi iyo aakhiro beel, haddii aadan awoodin guurka, sida Rasuulkeenna SCW, noo sheegay waa in aad soontaa 3 beri si uu kaaga jabo Kacsiga. Madaama uu soonka naaqusinayo Hamiga badan, waxa kaloo kuugu dhiiragelinayaa in aad joojiso dawashadaAflaanta anshaxa Xun, taas oo keeni karto Hami xumo, kacsi darro, Diiqo, iyo wax yaabbo kale oo ku saamayn doona beri markaad guursato.


Midda shahwada oo cad, aad dareentid marka aad shukaansi samayso, taas waxa astaan u ah in uu dareenkaaga jinsi uu kacsan yahay oo hor dhac ah, waxana layiraahdaa (Wadi) waxa kaloo jira qofka markuu wax culus uu qaado waxa ka imaanaya wax cad layiraahdo, (Madi) sidaa darteed sxb waxan filayaa in aad fakir ama cashar aad ka baratay.


FG: waxan kuu rajeynayaaa Guur Xallal ah.
Allow Dhakhaatiirteenna Noo Dhowr Meel Walba Oo Ay Joogaan.

Aamiin Aamiin.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Kacsi joogto ah iyo dhareerka "Precum"?
« Reply #2 on: December 11, 2018, 12:18:20 AM »
Jawaabta walaalkaa uu ku siiyay oo aan ku taageersanahay waxaan ku darayaa laba arrimood kaliya:
1- Biyaha yimaado markuu dareenku kaco ama galmada ka hor waxaa la dhahaa "Madi", biyaha kaadida kadib iyo markaa culeys qaado la isku arkane waa "Wadi", sidaas ayaa sax ah.

2- Midda ku saabsan dhibaatooyinka daawashada aflaanta jinsiga horay ayaan cashar gooni ah ugu faahfaahiyay waxaana jeclaan lahaa inaad akhrisatid: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7635.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

الحب الرومانسي انتهى " الحب هو عبارة عن برو

Started by YaxyaBoard Feel Free Here

Replies: 9
Views: 19513
Last post September 16, 2009, 10:54:46 AM
by Mandeq
Su'aal: Joogto U Xiirida Timaha Madaxa, Dhib Miyaa Ka Imaan Kara?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17047
Last post January 29, 2012, 12:07:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxa sababo dhididka gacmaha iyo lugaha oo joogto ah?

Started by SahnuunyarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8922
Last post May 15, 2013, 03:42:08 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Mala dhihi karaa qadka wukena kacsi badan?

Started by Abdi kaafiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 9207
Last post August 27, 2017, 03:38:56 PM
by Mr daacad
Su'aal: Jidhka oo xasaasid aan joogto ahayn yeesha?

Started by Muna O.HamariBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5807
Last post November 10, 2012, 01:22:51 PM
by SomaliDoc