Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Labada dhegood gudaha ayay iga xirmaan?

(1/1)

Abdalla Ahmed:
Asc SomaliDoc marka hore Alle ajar farabadan iyo xasanaad ha idin siiyo BI'IDNILAAHIL KARIIM intaas kadib waxa raba inan idin weeydiiyo Su'al walac farabadan igu heeyso taas oo ah
Waxa isku arkaa labada Dhagood gudaha iney inoqdaan wax xermaayo oo kale Afka markaa kor ukala qaado waxa dareemaya iney wax furmayaan mar mar badana sidaas ayan isku arkaa ilaa mudo 3 dex bilood hada laga joogo marka waa wax igu cusub ee dhaqtar waa maxay Ciladas mana ladhikara madama ay dhagta nadiif tahay qanjirada  iyada kahoseeyo waaye ciladas mahadsanidiin

SomaliDoc:
Markaad afka kala qaadid ama halaqyootid haddii dhagaha ka dareentid sidii inay kala furmayso oo kale oo maqalka kuu siyaadayo, cilladaan waa tubada dhegta ku xiran ee loo yaqaano "Eustachian Tube", haddii tubadaas cadaadis soo fuulo ama biyo galaan ama balance-ka ka lumo sidaan waa la dareemaa, waxaad u baahan tahay in dhakhtar dhagaha ku takhassusay inaad u tagtdi si talo lagaaga siiyo.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version