Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Daawooyinka sanka la iskaga shubo?

(1/1)

Sadhiq:
Asc  waxan daqtarka weydinaya sual kusabasan daawayinka sanka leyskaga shubo maxey kaga duwanyahiin kuwa qeybaha kala jirka laga isiio sidha IM,IV.iwm
2. sanka dawadha ruuxa hadii lagaga shubo mxey kadalan karo oo cilad eh
3. ruuxa dawadha sanka laga shubo maskaxdha wax maudimeyso

SomaliDoc:
Daawo walba waxaa loo sameeyaa qaabkii ugu haboonayd ee looga qaadan karo meesha loogu talagalay, tusaale ahaan daawooyinka sanka loo qaato waa kuwa toos u abaara unugyada sanka si cabburka u yaraado, laakiin haddii daawo aan loogu tali galin ku shubtid intuu jirka ka faa'idaysan lahaa dhib ayuu keenayaa, taasi waxaa la mid ah goojooyinka indhaha iyo dhagaha.

Daawooyinka badanaa sanka lagu dhibciyo waxaa loo isticmaalaa qaab buufis ah, badanaa dhibic lama isticmaalo sababtoo ah sanka way ka gudbaysaa oo dalqada ayay ka soo dhacaysaa ee ma ahan inay maskaxda u gudbayso.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version