Author Topic: Noocyada Duumada  (Read 8085 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Noocyada Duumada
« on: February 05, 2018, 11:33:25 PM »

Cudurka duumada waa cudur halis ah.
Si uu qoyskaagu uga nabad galo cudurka duumada, bar waxyaabaha keena cudurkaan iyo sida looga hor tago, una sheeg in baadhitaan dhiig ka dib la qaato daawo uu Dhakhtarku u qorey muddo loogu talo galey.

Cudurka Duumada/Malaariyada amma Kaneecada, waa cudur ku dhaca unugyada dhiigga cas oo loo yaqaanno  RBC (Red Blood Cells), waxa uu cudurkaani aad ugu badan yahay meelaha biyo degeennada ah iyo guryaha huurka ah.
MAXAA SABABA DUUMADA?
 Cudurka duumada waxaa sababa abuure ili-ma-qabato ah oo loo yaqaanno Protozoa, waxaana keena amma ay ka dhashaan afar (4) Plasmodium oo kala ah:-
  • Plasmodium Falciprum
  • Plasmodium Vivax
  • Plasmodium Ovale
  • Plasmodium Malaria.
Waxaa la og yahay in PF (Plasmodium Falciprum) uu yahay midka ugu daran.
 Haddaba, cudurka duumada, waxaa uu ugu horeyntiiba burburiyaa unugyada cas cas ee dhiigga (RBC), ka dibna, jeermiska ayaa si fudud ugu faafa wareega dhiigga, waxaana ilaa iyo hadda la og yahay, in PF-tu ay tahay mid adkeysi u leh daawada Chloroquine (Chloroquine resistant).
 
CALAAMADDAHA
  • Qarqaryo
  • Qandho uu garaadkeedu sarreeyo
  • Beer-ka-yarada oo soo bararta
  • Labo labo iyo matag

XILLI HUURISKA
 (Incubation Period)

 Xilli huuriska cudurka duumadu, wuxuu gaadhaa ilaa 28 cisho.
 
KA HORTAG (Prevention)
 * In la dareeriyo dhammaan biyo dageennada (meelaha ay biyuhu fadhiistaan), laguna daro oolyo (olyada laga badaley baabuurta) amma kiimiko loogu tala galay.
 * Waa in la nadiifiyaa weelasha ay biyuhu ku jiraan, kuwaas oo yaala guriga iyo deegaanka.
 * Marka la jiifanayo, Waa in la isticmaalo maro kaneeco amma sinsiyeeri.
 * Waa in lagu buufiyo guryaha sunta kaneecada, saacado ka hor inta aan lagu hooyan, waxaana guryaha lagu shidi karaa qiiq iyada oo la isticmaalayo  geeddo gaadh ah (tusaale; qolaf liin dhanaan oo qalaley).
 * Waa in la isticmaalaa hu' ku fiican jawiga oo celin kara qaniinyada kaneecada (tusaale; busteyaal).
 
  SIDA AY KU BAAHDO
 (Rout of Transmission)

 Cudurka duumada, waxaa faafiya nooc kaneecada ka mid ah, oo loo yaqaanno
 (Female Anopheles Mosquito) waana nooca dheddig ee kaneecada, taas oo soo qaniinta qof qaba cudurkaan, ka dibna kaneecada ayaa bukoota, kaneecadaas bukta oo qaraab raadis ah baa qaniinta qof kale oo caafimaad qaba, waxaanay ku reebtaa daris ku noolihii Plasmodium-ka ahaa, sidaas buuna qofkii ku qaadayaa cudurka duumada.
Chemoprophylaxis, waa ka hortag dadban oo daawo qaadasho ah, waxaana la isticmaalaa chloroquine tab 150mg 2 xabo toddobaadkii, marka uu qofku aadayo meel ay kaneecadu ku badan tahay, iyada oo la siin karo hooyada uurka leh*
 
 CHLOROQUINE RESISTANT.

 Waxaa jirta in plasmodium-ka uu adkeysi u yeesho daawada Chloroquine, waxaana la sheegaa in Chloquine resistant uu yahay midka waddankeena ka ah Pf (Plasmodium falciprum).
 
FANSIDAR
 Waa kaniini loo isticmaalo dabar goynta cudurka duumada, waxaana la siiyaa qofka 20mg oo hal mar ah (single dose) waxaana la siin karaa hooyada uurka leh iyo dhallaanka ka yar hal sanno (waa in uu Dhakhtar u qorey).
 
 Daaweynta:**
 Chloroquine tab 150mg
 Quinine tab 300mg
 Aspirin tab 300mg.
OGSOONOW:
 Kuma aynan xusin halkaan qaadashada daawada.
 Waxaa jira cirbaddo aynan iyaguna halkaan ku xusin.
 

DIGNIIN:

 *Waa in uu daawada qoraa Dhakhtar baadhey qofka.
 **Ha qaadan daawooyinka halkaan lagu tusaaleeyey.


Talo SAARO Allaah


 

Su'aal: Noocyada Feero Xanuunka maxaa lagu kala gartaa?

Started by Abdi KarimBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 87199
Last post January 30, 2008, 02:32:49 AM
by Waxbaro!
Noocyada Dhaawaca Maskaxda (Types of Brain Injury)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Qaliinka

Replies: 0
Views: 63453
Last post January 04, 2010, 10:55:33 PM
by SomaliDoc
Noocyada Madax Xanuunka (Types of Headache)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 1
Views: 114250
Last post December 16, 2016, 08:35:28 AM
by Muniit
Noocyada Daawooyinka ee Diiqadda/Niyad Jabka?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maskaxda

Replies: 0
Views: 26401
Last post April 01, 2008, 01:43:20 AM
by SomaliDoc
Noocyada Shubanka

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 9376
Last post February 04, 2018, 11:03:30 PM
by CilmiSabca