Author Topic: Su'aal: Qoodhaha oo gabi ahanba i gudhey?  (Read 4890 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Afrikaan22

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Qoodhaha oo gabi ahanba i gudhey?
« on: February 06, 2018, 03:03:18 AM »
Asalaama calaykum, waan idin salaamayaa marka hore walaal, bacda salan waxaan joogaa Dalkii waxaanan rabaa soojeedin Talo dhakhtar, waxaan in muddo ah oo Toddobo sanno ku siman ahaa Bukaan-Luud, Cudur aan garan waayey aya I haya, da’deyduna waa  24-sano, Xanuunkeygu wuxu iga hayaa  Xubinta Taranka {Xiniinyaha}, walaal isgalihii sanadihii 2010-2011 ayaan dareemey inay jirto  Xalaad caafimaad daro oo ilasoo daristey Taasoo aan ilaa maanta kazoo waaqsan laayahay, Lana baaxaa dagayo, kadib markii  xanuunba ha ii dheeraadee Aan  Hanan waayey ama gaaadhi waayey  Marxaladii Qaan gaadhnimada{Baaluqa}, oo aanay Xiniyahaygii ama qooodhahaygii uu muuqaaal ahaan aanay  waxna iska badalin kahor siduu ahaay  Qaadhgaadhnimayda ama sidii dhalaan nimadaydii uu ahaay, marka laga tago inay iisoo baxdey uun Shuun{Timo/Jiciiarad} & Inay  ii sameysantay  Shahwadii Raganimadu balse muuqaalka Xajmi iyo dherer ee Qooodhaheygu uuba ka liito midii Markii la i gudey oo xataa uuba kasii gudhey intuu leekaa waagaas(Noqdeydana Cidi-Qabad).
*- Astaamaha aan leeyahay,,, ( 1-  Kaadida oo i gubta mararka qaarna bilaa ikhtiyaar ii soo dhaafta, Balse midaa lidigeedana  xiliyada qaar igu dhagta, 2- labada xiniyood oo I kala dheerada iyadoo badi mida bidixdu I yaraato xiliyada qaar. 3- Danqaro iyo Damqasho Xanuun leh oo mararka Qaar ku imaada Xiniinteyda  Bidixda Taasoo aad moodo inayba malaxi fadhido oo ay qodaxi ku jabantahay, 4- Hadii aan Biyo Bax sameeyo,  imaanshiyaha  Biyaha  Oo aad ii dhibaaya  aadna ii guba bal aan mararka Qaarkood  Miyir beeli gaadho xanuun dartii, waxaana kaloo  isla xiligaas I Xanuuna Laba Xidid oo sinahayga ku teedsan ” Lagasoo bilaabo Labada Kalyood hoostooda  Ilaa Lafta Xiniyaha Dushiisa ee Tintu ku taal ” kuwaasoo Dhinacayga  Midig iyo Dhinacayga Bidix ba iga garaaca waqti kooban.  5-  Ibta ama Afka hore ee kobarta qoodhahayga oo markii aan fiiriyo ama kala Qabto ay ka muuqdaan nabaro cascas, kuwaasoo aad moodo inay kolna baaba’aan kolna sameysmaan siiba xiliyada aan mani baxa sameeyo “ Riyo iyo Hadii aan qayilo oo Manidu isoo dhaafto & Si kale ba”.)
*-Waxa ay igu sheegeen Dhaqaatiirtu,,,,( DHaqtaro badan waan marey hase yeeshee  maaro kamaan helin oo Xanuunka  jabtida  iyo wax ceynkaasa ayay igu sheegeen ,,, balse Dhaqtar Adari/Herer (Ethiopia) ku yaal oon tagey wuxuu ii sheegey in uu cudurkeygu  yahay  Nabar muddo hore Xiniinta iga gaadhey oo jug ah.. lkn daawo ayuu ii qorey muddo 3 biloodana soo isticmaal buu igu yidhi kadibna igu soo laabo,,, balse Dib ugu noqoshadiisii Ii may suura galin oo Itoobiya Ayaa Xadka igu Xanibtey Arimo Dhanka sharciga la xidhiidha,, sidaasaana kaga hadhey iyada iyo Dhaqtar dambe maadaama aan hore u wada maray kuwa gudaha Debedna aanan Tahleyn Hantideed.)
*-Waxa aan u maleeynayo  inuu igu keeney Cudurkan,,, ( walaal waxaan yaraanteydii lahaa Dhaqan aaad u xun oo dhalinyaarnimo ku qotoma, anigoo aad u  isticmaali jirey  Gacanteyda si aan Biyaha isaga keeno, Qiyaas ahaan  Markii Aan jirey 12-15 sanno, taasoo aan si waaliya ama Qeyrul Xada u Isticmaali jirey Anigoon u kala aabo yeeli  jirin, habeen yo Dharaar toona goor iyo xili toona,  si isdaba joogana aan u maali jirey Gacantayda,  maadaama ay markaa shahwaadku dhalinyarnimadu uu aad kacsanaa  iigana xoogweynaa , ana aan aad u nafaqo badnaa maadaama aan hudheel noo furaa seddexda xiliba wax ka cunni jirey.)
*-Tafaashiil dheeraada,,,, ( Xaas malihi, Mana Shaqeeyo waxna ma barto, mana Baxo oo hada Dadka & Bulshadaba  waan ka qaloodaa---  saameynta Xanuunkeyga Dartiis. Waana Iska Buukaan-jifaa.).
Mahadsanid walaal waxaan ku Rajo weynahay in wixii uu alle sw kaa garansiiyo inaad ila wadaagi doonto insha allah




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Qoodhaha oo gabi ahanba i gudhey?
« Reply #1 on: December 12, 2018, 09:23:18 PM »
Walaalow inkastoo su'aashaada ay dhirirkii ka badatay, laakiin talada aan ku siin lahaa waa inaad la xiriirtaa dhakhtar ku takhassusay xanuuanda kaadimareenka ee "Urologist", sbabtoo ah waraysi iyo sharaxaad dheeraad ah ayaad u baahan tahay, waxyaabaha qaar aad ka cabanayso waa wax dabiici ah sida in labada qooro ay kala dheeraadaan, faahfaahinta ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3313.0

Midda kale qooraha oo shuuqo, dhib ma lahan, laakiin iniinta ku jirto "xiniinyaha" oo shuuqo taasi waa cillad u baahan in la baaro, waxa ugu badan ee keenan waxaa caabuq kugu raagay, faahfahinteedane ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8414.0

Wixii faahfaahin intaa dheer ah, fadlan igala soo xiriir qeybta farriimaha ee Facebook page-keena: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waa maxay cun cunka qoodhaha iyo cad cadaan ka muuqda?

Started by BodingBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 8319
Last post September 19, 2015, 09:18:12 PM
by Ayanleh
Iska Daawee Cuncunka Qoodhaha Dhakhtar La'aan..!

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 61341
Last post December 25, 2017, 10:38:11 AM
by SomaliDoc