Author Topic: Su'aal: Maxaa ka dhexeeya macaanka iyo lugo xanuunka?  (Read 4773 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ilyodacad

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxaa ka dhexeeya macaanka iyo lugo xanuunka?
« on: February 06, 2018, 02:25:32 PM »
Asc doctor.
Waad ku mahadsanrihiin sida qiimaha leh ee aad y daboosheen baahiyaha caafimaad ee bukshadeenna.
Waxaan rabaa inaan ku waydiiyo doctor; waxaan qabaa xanuunka macaanka sidoo kale waxaan dareemaa lugo xanuun iyo dubka sare ee jidhka oo i damqada, badanaa habeenkii waxaa i xanuuna lugaha waliba cagta hoose"feet" iyadoo mararka qaar aan dareemo sidii max i mudaya oo kale.
Waxaan sidoo kale dareema in dhuuxu i shubmayo ama gororayo oo kale.
Markaa doctor ma waxa la odhan karaa cudurkan wuxuu la xidhiidhaa macaanka mise wu ka madax banaanyahy,
Wax jug ah hore iima gaadhin da, daydu waa 18 misankaygu waa 40kg height ku waa 1.68m




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa ka dhexeeya macaanka iyo lugo xanuunka?
« Reply #1 on: December 12, 2018, 09:25:54 PM »
Luga xanuunka ay dareemaan dadka macaanka qabo, weliba sidii inay wax ku mudayaan, ama wax kugu dul socdaan ama kabuubyo ama xatxato waa cillad ka timaada neerfaha lugaha oo sokorta wax gaarsiisay waxaana cilladaas la dhahaa "Peripheral Neuropathy", faahfaahinteeda ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5549.0

Waxaad u baahan tahay in sokortaada safiican loo kotaroolo, laguna siiyo daawo neerfaha soo kobcinayso, sokortane ka difaacayso.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 55939
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162254
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 106948
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62278
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig
Su'aal: maxaa farqi u dhaxeeyo ragga leh jocorta iyo ragga aan laheen?

Started by JaakeyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28955
Last post June 11, 2017, 12:22:58 PM
by SomaliDoc