Author Topic: Waxyaabaka Keeno Uur La'aanta Dilanka Ka Dib.  (Read 34192 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waxyaabaka Keeno Uur La'aanta Dilanka Ka Dib.
« on: February 06, 2018, 09:54:41 PM »


Bismillah,

Waxaan casharkaan maanta kaga hadli doonnaa dhalmo la'aanta ay haweenku qaar isku arkaan markay dilmaan.

Inkastoo dilanku ama dhicintu aysan si toos ah u keenin madhalysnimo laakiin waxaa dhacda in haween badan ay dhali kari waayaan markay dilmaan, taasoo dhakhaatiirtu ay ku sheegaan arrimo kala duwan.

Hooyada oo uur qaadi wayso dilan / dhicin ama uur kadib, waxaa loo yaqaanaa 'Madhalaysnimada Labaad'.

Waxyaabaha ugu badan ee keeno arrintaan waxaa ka mid ah:
  • Khalkhalka hormoonka: markay haweentu uur qaaddo wuxuu jirkeedu soo deeyaa hormoon loo yaqaano "Estrogen" oo hadafkiisu yahay inuu uurjiifka kobciyo, ugxansidahane ka ilaaliyo inuu ugxan kale soo daayo inta ay hooyadu uurka leedahay, marka ay hooyadu dilanto, hormonkaas wuu sii kacsanaadaa iyadoo jirka u sii maleeyo inuu uur jiro, taasi waxay ka hortagtaa in hooyadu uur kale qaado, marka waa muhiim in hormoonkaas la baaro, hadduu kacsana yahayne la siiyo daawo loogu tala galay oo hormoonka saxdo, si hooyadu uur kale u qaado. tan waxaa la mid ah markay hooyadu cunuga ka saqiiro in naasku uu godlan waayo oo ay u baahato daawo joojiso hormoonka kacsan ee caanaha soo daayo. arrimahaan waxaa lagu arkaa kaliya haweenka qaar, waxaana tilmaan u ah in caadada la waayo dilanka ka dib.
  • Caabuqa / Infekshanka: Wuxuu ka mid yahay waxyaabaha keeno dilanka, haddii aysan hooyadu ku baraarugin waxay u badan tahay inaysan daawo raadsan dilanka ka dib, taasoo keeni karta in caabuq ku fogaado, dhaawacne gaarsiiyo ugxansidaha iyo tubooyinka, akhriso qoraal ku saabsan tubooyinka xidhan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5791.0
  • Dilanka aan dhameestirmin: haddii qeyb ka mid ah dilankii uu hooyada ku haro wuxuu keeni karaa in dhaawac haaro leh uu minka gaaro taasoo ka hortagi karta in ugxantu ku nagaan waydo meeshii loogu talagalay, waxaa kaloo cilladaan lagu arkaa haweenka dhaawaca ka soo gaaro qalabka lagu xaaqo uurka halaabay ama dilanka aan dhameestirmin, waa muhiim in hooyo walba oo dilanto ay xaqiijiso in minkeedu nadiif yahay oo aysan waxba ku harin khaasatan markuu uurka 3 bil ka waynaa.
  • Cudurro Kale: Haddii ay hooyadu horay u qabtay xanuun dilan iyo madhalaysnimo keeni kara, kaasoo aan lagu baraarugin dilanka kadib waxaa suuragala ah inay uur qaadi wayso illaa laga ogaado waxa uu yahay, kadibne xal loo raadiyo hadduu daawo leeyahay.

Waxay kaloo haweenka qaarkood isku arkaan dilan xiriir ah ama soo noqnoqdo, waxaad link-gaan hoose ka akhrisataa xanuunada keeno in hooyadu ay si joogto ah u dilanto: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6060.0

Sidee loo xallin karaa madhalaysnimada labaad?
Haddii baaritaanno iyo wiisito kadib, la fahmi waayo sababta ka dambayso inay hooyada uur qaadi wayso ama daawooyinka lagu caawiyay ay wax ka tari wayso, waxaa lagu samayn karaa gacan-ku-rimin ama banaan-ku-rimin oo ah in shahwada ninkeeda iyo ugxanteeda lagu bacrimiyo banaanka, kadibne uurkii lagu beero minkeeda / raximkeeda.

Midda kale waa muhiim, haddii ay hooyadu ka cabanayso uur la'aan dilan kadib inay la xiriirto dhakhtar ku takhassusay cudurrada haweenka oo aysan u dhakhaatiir kale.

Intii awlaad la'aan hayso, Alle ha siiyo awlaad baariyaal ah. mahadsanidiin.
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162174
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 64452
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
Dawooyinka been-abuurka ah ee Somalia la keeno iyo dhibta ay geystaan (DHAGEYSO)

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 10080
Last post May 07, 2011, 02:42:11 PM
by Drkheyre
Su'aal: Maxaa keeno inee ilmaha madaxa biyo ka galo?

Started by Fatima Hussein MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14385
Last post October 02, 2015, 10:46:27 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxa Aan Ku HunGoobay Siikada (Gacanta Biyaha La iskaga Keeno)?

Started by Wiil.SoomaliyeedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15377
Last post January 09, 2016, 03:57:35 PM
by SomaliDoc