Author Topic: Cudurrada Jabtada iyo Waraabowga  (Read 7902 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Cudurrada Jabtada iyo Waraabowga
« on: February 15, 2018, 07:12:43 PM »
Mowduuceena ku saabsan Wacyi galinta bulshada, waxa aynu markaan ku soo qaadaneynaa laba cudur oo ka mid ah cudurrada faafa ee lagu kala qaado Galmada.
 Labadaan cudur oo inta badan ay bulshadeenu wada garaneyso balse ay jiraan dad badan oo isku qalda labada cudur, halka ay qaar kale oo badani u maleynayaan in labada cudur ay yihiin hal cudur oo leh laba magac, inkasta oo aysan isku mid aheyn oo mid walbaa si gooni ah loo daaweeyo.
 
 Labada cudur ee aanu halkaan ku soo koobi doono, waxa ay kala yihiin:
 1 Cudurka Jabtada iyo
 2 Cudurka Waraabowga.
 

CUDURKA JABTADA
 (Gonorrhea)
 Akhriso, Faahfaahinta Cudurka Jabtada
 Cudurka Jabtada waa cudur ka mid ah   cudurrada faafa ee la iskugu gudbiyo Galmada, waa cudur ku dhaca hab-dhiska taranka ee ragga iyo dumarka.
 
WAXYAABAHA SABABA
 Cudurka Jabtada, waxa sababa bacteria loo yaqaanno Neseria Gonorrhea amma Gonococci, waxaana jeermiska cudurkaan la ogaaday sannadkii 1879kii.
 
XILLI HUURISKA
 (Incubation Period)
 Xilli huuriska cudurkaan wuxuu gaadhaa 15 ilaa 30 maalmood.
 
CALAAMADDAHA RAGGA
  • Kaadida oo jaalle (yellow) noqota
  • Kaadida oo xanuujisa marka ay soo baxeyso
  • Guska oo xanuuna
  • Kalyaha oo xanuuna.

 CALAAMADDAHA DUMARKA
  • Kaadida jaalle noqota
  • Kaadida oo xanuujisa marka ay soo baxeyso
  • Siilka oo xanuuna (oo lahan kaca)
  • Kalyaha oo xanuuna.

SIDA UU U FAAFO
 Cudurka Jabtada, waxaa lagu kala qaadaa marka ay laba qof oo uu midkood qabo cudurka jabtada ay isku galmoodaan.
 Waxaana lagu ogaan karaa iyada oo la baadho kaadida qofka.


DAAWEYNTA


 Daaweynta cudurka jabtada, waxay ku xidhan tahay, in marka hore qofka uu sameeyo baadhitaan kaadida ah, waxaana daawada qora dhakhtar, ka dib, marka uu baadhitaan dhinacyo badan ah & wareysi la yeesho qof qaba cudurkaan.
 Hase yeeshee, qofka caafimaadkiisa kale uu fiican yahay, daawooyinka ugu caansan ee cudurka jabta looga daaweeyo, waxaa weeye:-
 -Gentomycine Injection 80mg 1x2x7 maalmood
 -Penicillin V tab 250mg 1x2x7 maalmood
 -Penicillin G Injection 1gr 1x1x7 maalmood
 -Multi-Vitamins Syrup.
 


CUDURKA WARAABOWGA
 (Syphilis)
 Akhriso, Faahfaahin cudurka Waraabowga
 Cudurka waraabowga, waxaa lagu kala qaadaa Galmada, wuxuuna ka mid yahay cudurrada halista ah ee faafa.
 Calaamaddiisa ugu soo horeysa, waxaa lagu gartaa boog sida Nabarka oo kale ah oo loo yaqaanno Syphilis Ulcer. Nabarkaas oo lagu arki karo cawrada ragga iyo dumarkaba. Haweenka wuxuu uga soo baxaa gudaha siilka, mana la ogaan karo, sababtoo ah, wuxuu jidhka qofka ku maqnaan karaa muddo 9 ilaa 90 maalmood ah, waana nabar aan xanuun laheyn, waxa uuna ka mid yahay cudurrada halista ah ee haddii aan si la hubo loo daaweynin baabi'in kara xubno badan oo jidhka ka mid ah.
 
MAXA SABABA?
 Cudurka Waraabowga, waxaa sababa, bacteriyo loo yaqaanno Treponema Palladium, sidaas daraadeed, cudurkani wuxuu lee yahay saddex marxaladdood, waxaanay kala yihiin:
MARXALADDA KOOWAAD
 2 ilaa 3 bil waxaa la arkaa nabar aan xanuun laheyn oo ka soo baxa cawrada qofka.
 
MARXALADDA LABAAD
 Waxaa la arkaa nabar xanuun leh oo ka soo baxa Jidhka, Qanjidhada oo barara iyo Madax xanuun.
 
 MARXALADDA SADDEXAAD

 Laba sanno ka dib, waxaa la arkaa:
  • Maqaarka oo burbura
  • Timaha oo go' go'a oo bilaaba daadasho
  • Murqo xanuun
  • Lafo xanuun
  • Neerve xanuun iyo
  • Wadne xanuun.

RAADKA UU KU REEBO HAWEENKA AAN LAGA DAAWEYNIN
  • Dhicis soo noq noqda
  • Ilmaha oo dhimasho ku dhasha
  • Ilmaha oo dhasha iyaga oo aan billo dhammeysanin
  • Ilmaha oo ku dhasha calaamaddaha cudurka waraabowga.
DAAWEYNTA.
 Daawada waxaa qofka u qora dhakhtar, ka dib, marka uu sameeyey baadhitaan iyo wareysi uu la yeeshey qofka qaba cudurkaan.
 
 Daawooyinka ugu caansan ee cudurka waraabowga waxa weeye:
 
 Benzathine Penicillin 1.2 unit by I/M inj, 3 maalin ka dib
 Benzathine Penicillin 2.4 unit by I/M inj oo lagu darey Vitamin B Complex inj 6 maalmood ka dib.
 
 

TAXADDAR...!
 DAAWADA WAA IN UU QORO DHAKHTAR.

Waxaan mowduucaan ku ogaaney in aysan labadaan cudur isku mid aheyn dhinaca daaweynta, waxa kaliya ee ay wadaagaan waa sida ay u faafaan oo ah, markii uu qof qaba cudurradaan midkood,  u gudbiyo qof kale oo aanan qabin xanuunnadaan.

Haddii uu qofku iska shakkiyo, waa in uu la xidhiidhaa Dhakhtar si loogu xaqiijiyo xaaladdiisa caafimaad,  Insha Allaah.
Allaa Mahad leh.


Talo SAARO Allaah


 

Ha Isku Qaldin Jinniga, Sixirka, Isha iyo Cudurrada Maskaxda ku Dhaco!

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 41718
Last post July 05, 2015, 10:14:33 AM
by Darmaan123
Baro cudurrada aanan lagu daawayn 'Antibiotics"-ka

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 46759
Last post September 14, 2016, 12:26:51 PM
by SomaliDoc
Kaadida Geela iyo Cudurrada lagu daaweeyo (Cilmibaaris)

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 54197
Last post May 01, 2016, 04:55:03 PM
by SomaliDoc
Cudurrada Galmada la isugu Gudbiyo (STIs)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 58272
Last post September 16, 2007, 12:52:06 AM
by SomaliDoc
FILIN: Cudurrada Galmaha iyo Cigaal Shiidaad

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 12842
Last post December 04, 2009, 11:07:48 AM
by Waxbaro!