Author Topic: Su'aal: Neef laabta ah oo sarqanteeda la maqlayo?  (Read 3380 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Muddakar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Neef laabta ah oo sarqanteeda la maqlayo?
« on: February 28, 2018, 04:10:39 AM »
Asc,bacda salaan waad mahadsantihiin walaalaha isu xilsaaray hawshan faa'idada leh. Su'aashaydu waxa weeye.
Muddo aad u badan ayaa waxan laabtayda, barta feedhuhu ku kulmaan ee labada naas dhexdooda, waxan ka dareemayaa, dareen kaliya maaha ee aan maqlayaa, oo waliba aan u malaynayaa sida in uu maqli karo qofka i garab taagan. Cod ama sanqar  neef(hawo) ah oo hah hah hah oranaysa marka aan labadayda gacmood oo soo xusul laaban feerna ii duubanyahay, illaa garbaha marna bidix u dhufto marna midig u dhufto. Sarqantaa oo illaa hunguriga meel u dhaw soo gaarsiisan.
Waagii ay igu cusbayd dhaw jeer ayaan dhaxan isaga shakiyay dhawrkaa jeerna way noqonwayday oo waan ka caafimaad qabaa.
Waxaasu muxuu noqon karaa? mahadsanid.

Aaraar. Ma lihi xiiq, riiraxanyo, ama waxyaabo kale oo saa'id ah oo aan sababteeda u tabanayo.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Neef laabta ah oo sarqanteeda la maqlayo?
« Reply #1 on: December 15, 2018, 12:10:50 AM »
Waxaasi waa codka samaysmo markii carjawda lafta sakaarta (xabadka) ay jucsanto, ee ma ahan wax sambabka la xiriira, dhib kalane ma keento laakiin waxaa badanaa lagu arkaa dadka qabo xanuunka la yiraahdo "costochondritis", faahfaahintiisa ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5852.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxaan leeyahay khuuro iyo inaan neef wayn tuuro?

Started by KadarhusseinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 5802
Last post April 29, 2016, 09:38:04 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan leeyahay neef dhanka xubinta taranka?

Started by ChoukriBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10652
Last post January 14, 2015, 12:30:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena xubinta taranka oo neef ka soo baxdo?

Started by BishaaroBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 105782
Last post December 19, 2009, 08:23:02 PM
by SomaliDoc
Cilladaha Keeno Daalka iyo Neef-tuurka.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 56716
Last post November 11, 2016, 12:55:47 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhiiga caadada ayaa igusoo laabta bishii dhowr jeeer?

Started by KaltuunBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 10516
Last post May 22, 2016, 07:48:29 PM
by SomaliDoc