Author Topic: Su'aal: Cadcadaan jirka gaar ahaan lugaha?  (Read 3216 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Muxiyo

  • Newbie
  • *
  • Posts: 17
  • Points: +0/-0
Su'aal: Cadcadaan jirka gaar ahaan lugaha?
« on: March 01, 2018, 01:23:38 AM »
Asalama calaykum doctor

Walaalayaal aad baad u mahadsan tihiin sida cilmiga alle idiinku deeqay aad nooga faaiidaynaysaan Allah waxaan ka baryaayaa inaad janada ku gashaan.

Intaas ka dib suaashayda waxay tahay :- da'daydu waa 30jir, ilaa yaraantaydii waxaan isku arki jiray in meel jidhka ka mida oo aan is dhahay nabaro ayaa ku dhacay ay midabaysan waayaan yacni cadaan maaha ee waa sida meel gubatay oo yara duqowday, dhawr meelood ayaa iska jiray ilaa yaraantaydii , balse ilaa 2008 waan cayilay marna waan dhuubtay kolba heer ayaan maraayay markaa lugahayga waxaan ku arkaayay gaar ahaan dhudhunka cadcadaan yar oo aan is idhaahdo malaa jidhkaaga ayaa kala baxay oo waad naaxday laakiin aan moodaayo inuu soo yara badanaayo.

Doctor hooyaday ayaa iga nixisay oo tidhi malaa baras ayaa kugu dhacay anigana waan naxay waana gariiray illaahayna waxaan waydiistay caafimaad, waxaase aan shakiyay markaan arkay suaal aad ka jawaabteen oo ahayd baraska qofka qaba lugaha ayuu ka bilaaban karaa iyo indhaha wax ka si noqdaan anigana waxaan isku arkay lugaha cadcadaan ilaa indhahana waxaan ahay dadka computerka ku shaqeeya oo maalin dhawayd ayaan dhakhtar u tagay wuxuuna ii qoray muraayada indhaha ee computerka ka difaacda.

Qoraalkayga wuu batay dhibaatada iyo naxdinta i qabsatay ayaa iga keentay iga raali noqda

Ma jirto cid aan garanaayo oo hide ahaan baras qabtay oo ehelkayga ka mida ee baras miyaa arinkaasi
maxaase ila gudboon hada , mase ma jirtaa cuntooyin dabiici ah oo joojinaaya faafitaankiisa ama lagu bogsan karo

Jawaab ayaan idinka rabaa , walaalayaal waan naxsanahay ee ii soo jawaaba fadlan





Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cadcadaan jirka gaar ahaan lugaha?
« Reply #1 on: December 15, 2018, 10:24:40 PM »
Walaal marka hore waxaan kugula talin lahaa inaad is dajisid, welwelkane iska daysid, baraska laguu sheegayo waa xanuun ka mid ah xanuunada maqaarka ku dhaco kaasoo ka dhasho in midabka ka lumo qeyb jirka ka mid ah, mana ahan xanuun halis ah ama la kala qaado, waxayna isku ekaan karaan xanuunada midabka jirka ka lumiyo kuwaasoo keena waxa loo yaqaano "Hypopigmentaiton" sida qawadka oo kale, waxaan kugula talin lahaa inaad dhaktharka maqaarka la xiriirtid si talo laguu siiyo, meelaha maqaarka ka cadcadaadeyna loo eego.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Walal qoorta infection maku dhacaa ? Hadii uu ku dhacase dhibato ma ukeena jirka kale waa maxase cal

Started by TuuraqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 20794
Last post February 18, 2011, 08:44:26 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay astaamaha lagu karto marka jirka ku yartahay birta (Iron)?

Started by HeetiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 31289
Last post January 16, 2010, 06:58:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhib igu haaya kuleyl dareen kulul leh oo jirka oo dhan?

Started by DargaayBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12674
Last post April 14, 2011, 07:15:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena kor cuncun waliba jirka dhan gasatan naaasaha?

Started by NehaaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12107
Last post February 06, 2016, 03:31:04 PM
by SomaliDoc
Su'aal ku saabsan jirka dhexdiisa iiga socdo hawo guureyso?

Started by Maxamed1969Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18663
Last post August 13, 2010, 03:34:13 PM
by SomaliDoc