Author Topic: Su'aal: Dhallaanka ma la siin karaa biyo?  (Read 4030 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Faysalyare

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dhallaanka ma la siin karaa biyo?
« on: May 04, 2018, 10:14:11 AM »
Asc Bahda SomaliDoc iyo dhamaan aqristiyaasha webkaan salaan kadib waxaa rabaa in aan idiin weydiiyo dhoor su,aalood oo aan jeclahay in sifiican liiga soo jawaabo mahad sanadiin

1:Caruurta naaska la nuujiyo  dhoor maalmood ka hor la dhalay mala siin karaa biyaha caadiga ah ee (Jima)? Hadii la siin karin sababta waa maxay?  hadii la siin karo biyo goormaa la siin karaa 24 saac ?bilahee la siin karaa oo loo bilaawi karaa?

2:Caruurta Naaska hooyada la nuujiyo jiif malaku siin kartaa si loogu hurdasiiyo? maxaa dhibaato caafimaad ayeey kayneeysaa?

3:Caruurta maryaha loo xero markii wasaqoobaan oo la dhaqaayo waxaa lagu dhaqaa oomo ama shaampo ama Saabuun kadib markii ee Qalalaan waxaa lagu carfiyaa ama lagu shidaa (Uunsi lagu shiday idil) dhibaato caafimaad miyeey u kayneeysaa caruurta?

4:Caruurta aan laga keeynin Xabka ee jira 8 Maalmood malaga keeni karaa xabka? dadka qaar waxeey leeyahiin naaska hadii safiican loo siiyo xabka wuu ka imaanaa arintaas run miyaa?

5:Hadii hooyada wax nuujisa ee cunto ama ee cabto sharoobada ama kaniiniga hurdada iyo amateedka furo hooyada ma u gudbineysaa caniga nuugayo maxaa qatar caafimaad ah ?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhallaanka ma la siin karaa biyo?
« Reply #1 on: December 22, 2018, 09:55:01 PM »
1- 4-ta bilood ee ugu horayso nolosha caruurta uma baahno wax aan naas ahayn in la siiyo isagaa biyo iyo cunno ugu filan, faahfaajinta ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=382.0

2- Qaabka hooyada ay naaska u siinayso cunugeeda waxa u shardi ahaan waxyabahaan:
A-in madaxiisa iyo jirkiisa inta kale ay wada simanyiin.
B-in wajiga ilamah nuugaya uu ka soo horjeedo naaska hooyada
C-in ay ay hoyada ilamaha xambarsantahay aysana u dhaxaynin jirkeeda iyo jirkiisa wax maro ah yacni (Skin to Skin).
D-in ibta naaska hooyada ay ku wadajirto afka ilmaha nugayo naaska.

3- Cunugga hadduusan xasaasiyad ku qabin waxyabahaas, dhib kale ma lahan.

4- Ilmaha haddii ay neefsanayaan, naaskane ay nuugayaan, xabka wax dhib ah kuma hayo in laga keenane uma baahno.

5- Haa, badanaa daawooyinka hurdada loo isticmaalo way ku gudubtaa naaska.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: