Author Topic: Su'aal: Dhiig dabada ka socdo?  (Read 7408 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dhiig dabada ka socdo?
« on: March 19, 2018, 02:30:18 PM »
waxaa dabadeeyda kasocdo dhiig aad u guduudan.. xiliga saxarada  wax xanuun ahna iguma haayo lkn aad  iyo aad u uraa .  waxaana arkaa markaa saxaroonayo.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhiig dabada ka socdo?
« Reply #1 on: December 17, 2018, 09:26:34 PM »
Badanaa haddii dhiig fresh ah uu la socdo saxarada wuxuu ka yimid qeybta hoose ee marinka dheefshiidka.
waxyaabaha keena arintan waxaa ka mid ah baabasiirka isagoo ugu badan sababaha keeno dhiig fresh ah oo la socdo saxarada waxaana lagu ogaan karaa si sahlan haddii lagu wiisiteeyo.
Halkaan ka akhriso warbixin dhameestiran oo ku saabsan cudurka baabasiirka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,891.0.html

Midda kale waa inuu jiro dillaac futada ah kaasoo isagane lagu ogaan karo wiisitada oo la arki karo dildillaac yaryar oo ku sameysmay futada wuxuu uga duwanyahay baabasiirka inuu aad uga xanuun badanyahay, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cudurkaan dildillaaca futada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2811.0.html

Caabuq ku dhaca dahaarka saaran maroorka ayaa keeni kara saxarada oo dhiig soo raaco waxaa kaloo la jiri karo axalo ama walxo diif oo kale iyo malax taasoo tilmaamaysa in uu infakshan ku dhacay darbiga maroorka.

Caabuq ku dhaca xiidmaha waaweyn ayaa keeni kara dhiig saxarada la socdo, cudurradaas oo ugu horreyaan laba cudur oo loo kala yaqaanno: boogoobidda xiidmaha iyo bararidda xiidmaha. laakiin labadaan xaaladood waxaa badanaa la socdo shuban oo saxaro adag ma lahan waxayna ridaan miisaanka qofka haddii aan la daaweyn.
Halkaan ka akhriso qoraallo ku saabsan labadaan cudur:
1- Boogoobidda xiidmaha "Ulcerative Collitis": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1840.0.html
2- Bararidda Xiidmaha "Corhn's disease": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,655.0.html

Waxyaabaha kale oo keeni karo dhibaatadaan saxaro-dhiigga waxaa ka mid ah: kaankarada ku dhacdo maroorka ama xiidmaha taasoo warbixin buuxka oo ku saabsan halkaan aad ka heli doontid: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,418.0.html

Baaritaannada loo baahanyahay in lagu kala sooco xanuunnadaan oo laga yaabo in taktarkaaga uu kuu diro waxaa ka mid ah: saxarada oo la baaro iyadoo laga fiirinayo gooryaan ama walxo kale iyo in la eego gudaha maroorka iyadoo la adeegsanayo qalab loogu tala galay "Sigmoidoscopy"

Haddii intaan cudur lagaa waayo waxaa dhici karo aad qabtid cudurka lurta leh ee xiidmaha "Irritable bowel syndrome" kaasoo keeni kara cilladaan inkastoo uusan ku badneyn in dhiig noocaan ah uu keeno, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan cudurkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3417.0.html

Waxaa muhiim ah in aad la xiriirto takhtar si laguu baaro loona ogaado xanuunkaaga, inkastoo iila egtahay xanuunka aad ka cabanayso in uu ka socdo dhibaato la xiriirto gidaarka maroorka maadaama dhigga uu dhinacyada uu saxarada kaga dhaganyahay uuna badanaa soo muuqdo markii saxaradu adagtahay, laakiin waxaan u baahantahay in aad takhtar la xiriirtid si loo hubiyo xanuunkaga lagaagana daaweeyo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Dhiig Brown Clour Ah Oo Xaaskayga ka Socda iyadoo 9 weeks pregnancy ah?

Started by Mohamed2012Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22367
Last post January 29, 2012, 12:22:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Naag uurleh xiliga caadada dhiig maka imaan karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26102
Last post March 14, 2015, 03:41:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Meeshii shahwada laga rabay dhiig ayaa ka yimid?

Started by Kaamil121Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 20106
Last post December 20, 2018, 10:03:39 PM
by SomaliDoc
Dhiig karka Uurku Keeno / Sumoy / Iklaamsiyada

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 38024
Last post September 02, 2008, 09:52:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Caadada markay ku dhaco wax dhiig ah kama imado?

Started by Maizah BBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 58090
Last post January 13, 2016, 01:48:41 PM
by SomaliDoc