Author Topic: Faa'idooyinka Caafimaad ee Saliid Saytuunka.  (Read 25682 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Faa'idooyinka Caafimaad ee Saliid Saytuunka.
« on: March 19, 2018, 06:12:58 PM »


Saliidda saytuunka waa mid nafaqo iyo caafimaad kulansatay. waxay jirka u tartaa waxyaabo badan oo ya ka mid tahay:

  • Saliid saytuunku waa saliid dabiici ah oo laga soo saaro miraha iyo geedka saytuunka, boqolkiiba 73% waa dufan cufnaanteedu yar tahay, taasoo faa'ido wayn ugu jirto caafimaadka, waxaana loo yaqaanaa "oleic acid", waxaa intaas sii dheer in saliidda saytuunka ay adkaysi u leedahay kuleelka iyo dabka taasoo ka dhigayso saliid ku habboon cunto karinta meesha saliidaha kale ay gubtaan inta aysan cunnada karin.
  • Saliid saytuunka waxaa ka buuxo maaddo sunta jirka ka saarto "Antioxidants", waxayna la dagaalantaa caabuqa jirka, waxay hoos u dhigtaa kolestaroolka taasoo ka hortag u ah xanuunada wadnaha. faa'idadaan waxaa aad looga helaa nuuca saliid saytuunka ee loo yaqaano "Extra virgin oil".
  • Saliid saytuunka waxay hoos u dhigtaa caabuqa raaga "chronic inflammation", xanuunada ay ka hortagto waxaa ka mid ah Kansarka, wadne xanuunka, macaanka, xasuus la'aanta iyo cayilka. Saliidaan waxaa ku jiro maaddo loo yaqaano "oleocanthal" taasoo u shaqayso sida daawada "Ibuprofen".
  • Saliidda saytuunka waxay ka qeyb qaadataa ka hortagga Faaliga kaasoo ah xanuun halis ah kuna soo badanayo wadamada soo korayo, waxayna ka dhalataa qulqulka dhiigga xididada maskaxda oo xannibma, dhowr diraasadood ee lagu baaray arintaan waxaa lagu ogaaday in dadka joogteeyo isticmaalka saliid saytuunka in halista cudurka faaliga uu ku yar yahay.
  • Saliid saytuunka wuxuu yareeyaa halista wadne xanuunka iyo wadne qabadka, waxayna diraasadaan salka ku haysay cunnada ay cunaan dadka ku nool dalalka ku teedsan badda cad "mediterranan diet" taasoo la arkay in dadkaasi ay aad ugu yar tahay xanuunada wadne qabadka. Waxay kaloo isla dairaasadahaan tilmaameen in saliidda hoos u dhigto dhiig-karka, kaasoo isagane ka mid ah waxyaabaha halista u keeno wadne xanuunka. Haddii ay qoyskaagu dhaxal u leeyihiin wadne xanuunka waxay cilmibaarayashu ku taliyaan in saliid aan ahayn "extra virgin oil" in aadan u isticmaalin cunnnada.
  • Isticmaalka saliid saytuunka ma keeno cayil iyo buurnaan toona, diraasad lagu sameeyay arday gaaraysa 7,000 oo ku nool dalka Spain iyadoo muddo 3 sano ah la siinayay saliidaan waxaa la arkay in miisaankooda hoos u dhacay markii la barbardhigay saliidihii ay isticmaali jireen. marka saliidaan maahan kuwa lagu cayilo.
  • Saliid saytuunka waxay la dagaallantaa cudurka xasuusta lumiyo ee loo yaqaano "Alzheimer's disease kaasoo ka dhasho maaddo dul habsato unugyada maskaxda loona yaqaano "Amyloid", saliid saytuunka waxay ka hortagtaa, baabi'saane maadadaan cudurka keento.
  • Saliid saytuunka waxay yaraysaa halista macaanka nuuciisa 2-aad, waxaa la xaqiijiyay in saliidda saytuunka ay kordhiso shaqada iyo firfircoonida hormoonka Insulin, sidaas awgeed waxay kordhisaa xakamaynta cudurka macaanka.
  • Saliidda saytuunka waxay yaraysaa astaamaha xanuunka riixa iyo roomaatiisamka oo ah cudur bulshada ku badan, aqoon badanne aannan weli loo yeelan. waxaa la arkay in saliid saytuunka ay hoos u dhigto waxyaabaha la baaro ee lagu qiyaaso cudurrada riixa iyo roomaatiisamka ee loo yaqaano "inflammatory markers". Faa'idada saliid saytuunka u leedahay cudurradaan waxay korortaa markii lala isticmaalo saliidda kalluunka oo ay ka buuxdo maaddada "omega 3".
  • Ugu dambayn, saliidda saytuunka waxay leedahay awood la dagaallanto jeermiska bakteeriyada, bakteeriyooyinka la xaqiijiyay in saliiddaan ay disho waxaa ka mid ah bakteeriyada loo yaqaano "H.pylori" oo sabab u noqoto cudurka gaas-calooleedka. marka waa fursad waxtar u leh dadka qaba xanuunka bog-calooleedka ee gaaska.

Qoraallo Xiriir la leh:

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: