Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Qof qaato Warfarin ma soomi karaa?

(1/1)

Fahma2020:
asc dr wa idin salamay dhakhtar waxa qata dawada Wafarin ee ma soomi kara
soonka ramadanta iyo mid malin malin so mayo oo qaleen rabo.dhakhtarkeyga islam ma ahan hadu rabo hasomin idhaha
tankale dhakhtar timirta iyo xulbada ma laqadan kara marka wafarin isticmaleso.
tankale dhakhtar waxa ku wareray mar waxa ladhaha xanunka wa ka resane mar waxa la dhaha waliga wade dawada xanunkega wa DV lugta ah plz dhakhtar warbaxin iga sii
iyo cuntoyinka iyo dawoyinka aan qadan karin.
Qoral aad uga hadashen wa arkay lkn waqti iyo cunta kama hadlayo
 shugran

SomaliDoc:
Bukaanada qaata daawada Warfarin waa inay taxaddar muujiyaan markay soomayaan sababtoo ah gaajada waxay kordhisaa qulqulka dhiigga taasoo haddii daawo lagu sii daro keeni karta dhiig-bax sidaa darteed waxaa lagu taliyaa in cabbirka daawada la yareeyaa.

Waxaa jirtay diraasada lagu sameeyay daka qaata daawada Warfarin oo bisha Ramada sooma, faahfaahinta diraasadaas waxaa ka akhrisan kartaa halkaan: https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pubmed/24354801

Navigation

[0] Message Index

Go to full version