Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Foosha badan ee dumarka somalida?

(1/1)

Iman Osman:
Asc dr wanku mahad celinaya sida hgar la.aanta ah ee ad noogu adeegtan.

Dr sidan ognhy dumarka soomalida rafaad badan ayay kala kulmaan xiliga foosha taaso badanka dumarka somaliyed waqtibadan fooshan marka loo eego dumarka caalamka ku nool
Suashayda waxa weeye dr mxa sabab u ah foosha waqtiga badan qaadata ee somalida ku badan marka laga imaado FGM ka


Maxaa se aad igula talin lahayd si aan uga badbaado foosha waqtiga dheer qaadata insha allh ama iga caawin kara

Thnkz

SomaliDoc:
Taasi waa fikrad khaladan, haweenka oo idil way wada maraan, wayne u siman yihiin heerarka foosha, haweenka soomaalidane wax u gaar ah ma jiro, fooshune kulligood kuma daahaan oo waa la kala duwan yahay sida caalamka loo kala duwan yahay, waa sax gudniinka fircooniga saameyn ayuu ku leeyahay foosha laakiin taasi soomaali gooni uma ahan oo ummaddo kale ayaa ficooniga sameeyo sida Sundan-ta oo kale, halkaan ka akhriso saameynta gudniinta fircooniga iyo foosha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1907.0

Waxaa kaloo halkaan ka akhrisataa heerarka foosha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1702.0

Navigation

[0] Message Index

Go to full version