Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Cuntada waxaa ii raacay tin?
(1/1)
Umu xandhala yuusuf:
Asc dr wad ku mahadsan tihiin sida wanaagsan ee aad iigu soo dhoweyseen dr waxan qabaa sual ah dhowr bilood ka hor baa anoo cunto cunay cunadii waxaa iiraacay tin waxan dareemay markaan cuntadii sii laqay wan ismatiyey waxna igama soo bixin laba maalin ka dib baa dhuunta igu keentay xanuun dhaqtar xaafada ah ban utagay afka ayuu iga fiiriyey wuxuu yiri gaduud bay noqotay barar baana ku jira irbad buu iduray iyo daawaooyin antibiotic wan ku roonaaday hada uur ban yeeshay matagii badan ma iyeelaya ma garanaayo waxan dareemaa in dhuunta wax uugu duuban yihiin oo iciijinayo qufacna wan leeyahay ma xal ah suura gal matahay in tintii waagi ay isaameyneyso mise macquul ma ah ileen adigaa aqoon ulehee qaabka wax laqid iyo halka ay maraan please dhaqtar talo isii ama icaawi jawaab
SomaliDoc:
Tinta oo la liqo dhib ma keento, caloosha ayay tagtaa, kadibne saxarada ayay soo raacdaa, meel ay isku duubi karto ama dhib ku gaysan karto ma jirto, tinta wax ka adag ama mudac ah ayaa la liqaa, qofkane wuu saxaroodaa iyadoo wax dhib ah u geysan.
Marka dhibkii hore iyo midka aad hadda dareemaysid waxay u badan tahay inay salka ku hayso mataggii aad xoogga iska keentay. Allaha ku caafiyo, shakkiga iska daa
Navigation
[0] Message Index
Go to full version