Author Topic: Su'aal: Armaad ficilkaas ku kacdaa?  (Read 10014 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Juba

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Armaad ficilkaas ku kacdaa?
« on: April 03, 2018, 11:47:10 PM »
Asc ajar iyo xasanaad aan lasoo koobi karin ilaahay ha idinka siiyo saad mar walba noogu faaiidaysan
Suaashaydu waxay tahay waxaa igu jirta baqdin mararka qaar inan isdhaho ar maad waxas samaysa ama armad ficilkaas Ku kacdaa tusaale ahan mar mar aan wado marayo gawaarina yaacayso armad isku tuurta gaarigan ama waxa ii sawirma ano isku tuuraya wadada gaarina isii qaatay oo dusha Iga maray Sido kale qof ba iga hor imaanaya waayel ah sa waxaa ii sawirmaya anoo cag ku dhuftay oo qofki halkaas ku tuuray saan baqdin ba igalaysa markaan isdhaafayno qofka ano isdhahaya amay lugtu kaaga fakata. Dakhtarow way badanyihiin waxyaalaha isu kay sawira illahay iguma keeno mararka cabsi wayn ba i gasha inan afcaadhayda xakamayn waayo. Mana aha wax Toos ah waxas lkn wa maskaxdayda




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Armaad ficilkaas ku kacdaa?
« Reply #1 on: December 21, 2018, 08:35:52 PM »


Bismillah,

Waa casharkii aad suagayseen ee ku saabsanaa qofkii ku hamminayay cabsine ku haysay inuu dadka kale wax gaarsiiyo isagoon ula kac ka ahayn, asxaab badan ayaa arintaan ra'yigooda ka dhiibtay soona gudbiyay cabashooyin kuwaasi ka agdhaw laakiin caafimaad ahaan aan shaqo ku lahayn sidaa darteed waxaan u kala qaadaynaa casharkeena maanta 4 qeybood oo mid walbane cillad gooni ah, waxaana rajayn doonaa inaad si dagan u akhrisataan si aad u kala fahantaan.

Waswaas Rabshadeed "Malevolence OCD"
Qofka inay maskaxdiisa ku soo noqnoqto fikrado uusan aaminsanayn, uuna ogyahay inay khalad tahay, fikradahaasoo ku dhiiragelinayo inuu ku kaco fal rabshadeed waxay astaan u tahay, kana mid tahay cilladda waswaaska qasabka ah, afka qalaadne lagu dhaho "OCD".

Waswaaska rabshadeedka qofka qaba macnaheedu ma ahan inuu dadka dhibaateyn doono ama waaali inay ku soo socoto ama hal mar isbadali doono isagoo dadka ka agdhaw wax gaarsiin doono, qofkane kama lumiso kontaroolka wax dhib ahne ma gaysto, wuuna iska ilaaliyaa in waxyaabahaan oo kale si khalad ah xitaa uga dhacaan isagoo ka fogaanayo wax walboo fikirkaasi ku sii kicin kara, laakiin fikradahaas qofka ku soo noqnoanayo ayaa dhib ku haysa qofka isagoo weliba og inay khaladan yihiin, xalkuna wuxuu ku jiraa in qofka firkadahaas maskaxdiisa ka saaro, shaydaanka iska naaro, is hilmaansiiyo, haddii ay ka tagi waayaanne inuu dhkahtar la xiriiro si looga siiyo daawooyin loo qaato cilladaan waswaas rabshadeedka oo afka qalaad lagu dhaho "violent intrusive thoughts".

Fikradaha rabshada ku dhisan ee qofka ku soo dhici karo waxaa ka mid ah in dadka kale aad wax gaarsiisid amaba inaad xoogtid ama fara-xumaysid, laakiin waa fakar aan maskaxda qofkaasi dhafsiisneyn, ficiline usuan ka dhalayn, qofkaas kaliya ayayne dhib ku haysa mar walbane wuxuu ka fakaraa mar uun si uu maskaxdiisa uga xeir lahaa ama uga tirtiri lahaa fikradahaasi.

Cilladda waswaaska way nuucyo badan tahay, qofkane meel bay noloshiisa ka saameyn kartaa, qofbay ka gashaa nadaafadda iyo dahaarada oo maanta dhan weesada ku celcelinayo iyo gacmo naqista, qof waxay ka gashaa taxaddarka oo maanta dhan albaaba uu xiray ayuu xirayaa, mashiinka cuntada oo dansan ayuu hubinayaa IWM, qofne waxay ka gashaa wax tirinta maanta dhan wixii isleh inuu tiriyo ayuu jecelyahay iyo kuwa kaloo badan, faahfaahinta waswaaskaan ka akhriso qoraal hore oo aan uga hadalnay: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3700.0

Waxaa jiro dabci shakhsiyadeed oo mararka qaar qofku ku qaldi karo inuu waswaas qabo, laakiin taasi sax ma ahan, waana dabci fiican inkastoo ay fiican tahay inuu qofka dabcigaan leh ay fiican tahay inuu iska ilaaliyo waswaaska, faahfaahitna dabcigaas ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7943.0

Cilladda Cabsida "Phobia"
Asxaabta qaar waxay sheegeen inay mararka qaar ka cabsadaan inay wax isgaarsiiyaan ama inay meel ka soo dhacaan ama u sawirantba iyagoo dhibaato gaartay, taasi ma ahan cillad waswaaska ku shaqo leh laakiin waa xaalad cabsi oo qofka la soo darsi karto weliba markuu la kulmo waxyaabaha uu ka cabsado sida markuu dabaq dheer uu fuulo oo kale, markuu gaari xawaare ku socdo uu soo hormaro, bahal uu neceb yahay markuu la kulmo IWM, qofba waxbuu dhibsadaa uu Alle ku abuuray, haddii cabsidaasi qofka ka tan badiso ama noloshiisa howlgab ka dhigto wuxuu u baahan yahay inuu dhakhtar la xiriiro si cabsidaasi looga baab'iyo iyadoo la barayo, maksaxdiisane lala qabadsiinayo waxyaabaha uu cabsida u qaaday.

Shakkiga Waallida ah "Paranoia"
Cilladaan sadaxaad way ka duwan tahay labada hore, sababtoo ah qofka cilaldaan qabo ma aaminsana inay wax ka qaldan yihiin, bulshada uu la nool yahayne way ogaan kartaa inuu xanuunsanayo, sababtoo ah qofka wuxuu ku dhaqaaqayaa waxyaabo shakki ku dhisan, taasoo mararka qaar kontaroolka ka luminayso, cilladaan waa qeyb ka mid ah xanuunka dhimirka ee loo yaqaano "Schizophrenia", faahfaahinteedane ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3815.0

Cilladda Niyadjabka "Depression"
Markuu qofka aad u niyadjabo waxaa ku soo dhicik aro fikrado khaldan  taasoo quus ku dhisan, qofkuna is dhaho noloshaan maba istaahisho in la sii joogo, carurutaada iyo xaaskaaga dhib adduun inay sii arkaan ma fiino, sidaasne qoyskiisa uu ku laayo, kadibne isaga isku xijiyo, waa xanuun halis ah bulshaduna aysan fahansayan, laakiin wax laga qaban karo haddii mar hore la fahmo, qofkane daawooyin ayaa laga siiyaa, faahfaahinta xanuunkaan ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=878.0

Waxaa jirta xaalado gooni ah oo badanaa niyadjabka soo muuqan karo waxaana ka mid ah markay hooyada ay ku jirto xilliga umusha, iyadane waa dhibaato qarsoon oo aan lagu baraarugsanayn, faahfaahinta cilladaan iyo talooyin ku saabsan ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1053.0

Inkastoo xanuunadaan qofka maskaxdiisa dhibka ku hayo ama badali karo ay intaasi ka badan yihiin laakiin kuwaan waa kuwa iska agdhaw la iskuna qaldi karo, qofkii u baahan faahfaahin dheeraad ah ama dhib tan ka agdhaw haysato oo talo u baahan ha igala soo xiriiro qeybta farriimaha ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/

Inta xanuunsan Allaha caafiyo khaassatan kuwa sida hoose u dhiban. Aamiin
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Markaan cunto cune kor ayay u kacdaa?

Started by ColaddhasheBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 6455
Last post April 06, 2012, 07:51:27 PM
by SomaliDoc