Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Qaloocsanka xubinka taranka ragga?

(1/1)

Salah Ahmed:
Asc dr. waxaan ahay 20 jir cilad ayaa igala soo deristay xubinkayga taranka. muddo laga joogo 8 billood ayaa kubad ama banooni igaga dhacday qaybta hore (dhalfada) isagoo markaasna hoos u qaloocsama wakhtigaan kacsoodo 
Halka uu ahaan jiray mid toosan, xanuunna waan ka dareemaa dhalfada.
Markaa maxaa daawo ama xal ? Normalkisiina ma kusoo noqon karaa ?

SomaliDoc:
Badanaa qalloocsanaanta waa korriimo caadi ah oo ragga qaarkood ay isku arkaan in xubintu marka ay taagan tahay lagu arko qallooc dhinac ama hoos ah. Wax dhibaatane uma keento howsha iyo uuraynta intaba, umana baahato in qalliin lagu saxo.

Haddii xubinta jug kaa gaartay iyadoo kacsan, way jabi kartaa markaasne wax sahalan ma ahan oo gargaar degdeg ah ayuu qofka u baahdaa, laakiin iyadoo shuuqsan hadday wax gaaraan, dhib u keeni kara qallooc badanaa ma gaaro, laakiin maadaama aad xanuun sheeganaysid waxaa xaboon inaad dhakhtar u tagtid si loo fiiryo cillada meesha ay ka socoto. Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version