Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: dhulka ayuu foolka ku dhufsaday?
(1/1)
Aisha omar:
asc doctor su aal ayan qabaa waxayna tahay adigo mahadsan sakay wiil yar oo ii joga ayaa kaso dhacay Armajo halmitir iyo bar ujirta dhulka foolka ayuuna ku dhufsaday isla mark dhiig ayaa sanka kasoo daatay ee mesha uu kudhufsaday dhulka kama imaan dhiiga isla marki wan lacararay labo garaafo oo biyo qabow ayaa madaxa kaga shubay dhiigina wuu istaagay xaguu ka yimid dhiigas madama ayna dilacin mesha uu ku dhufsaday dhulka horana dhawac hore ayaa ku yalay mesha oo malin aan sidas udhereyn ayay dilacday lama tolin way isqabsay way raysatay jogtan aya hadana kudhacday waxan magarin wayso barartay kaliya sankana dhiig ka yimid taa ayan layabanahay ee maku qaldana in aan sanko dhiig kaso socdo aan biyo madaxa kaga shubo mahadsanid doc
SomaliDoc:
Dhiigga wuxuu ka yimid sanqaroorka ama waxa loo yaqaano "sinuses" oo foolka iyo sanka dhinacyadiisa ku yaallo, badanaane waxay ka dhalataa jugta foosha ama wajiga gaarto, wuu istaagi karaa waxyar ka dib, biyaha aad ku shubtayne dhib ma keenayso, laakiin haddii muddo kadib cunugga kua burtid cabbur, sanka dhinacyadiisa oo soo barara, madax xanuun iyo neeftiisa oo urayso waxaad u baahan tahay inaad dhakhtar la xiriirisid si loo fiiriyo sanqaroorka in dhib ka jiro. caafimaad baan idiin rajaynayaa
Navigation
[0] Message Index
Go to full version