Author Topic: Su'aal: Hadaan qabo Xanuunka Qoor Xanuunka?  (Read 8119 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Cadawe

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Hadaan qabo Xanuunka Qoor Xanuunka?
« on: May 18, 2018, 07:43:05 AM »
ASCWW
Waad mahadsantahay Dre fursadan aad siisay bulshada soomaaliyeed.
Anigu waxan ahay bukaan uu hayo qoor ama luqun xanuun, waxaana akhriyey darsiga ku jira link-gan
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,8155.0.html ... kadib waxan aad ugu maleeyay inuu Dr.ku ka sheekeynayo xanuunkeyga, sidaa darteed waxan aad ugu baahnaan lahaa talooyin dheeraad ah, oo ku aadan tilaabooyinka ey tahay inaan qaado, maadaama aan darsigan markii ugu horeysay ka helay tilmaanta xanuunkeyga oo dhakhaatiir kale oon qaarkood toos ugu tagay xitaa ey wax fiican ka garan waayeen.
Calaamadaha aan anigu gaar ahaan dareemo waxa ugu muhimsan:
1) qoorta oo mar walba i daalan, oo maantoo dhan waan jimcinayaa hadana daalkii iyo culeyskii igama dago, waxeyna ugu darantahay markaan caadi ahaan u daalo ama gaajo iyo energy yaraan dareemo.
2) markaan jimciyo ama dhinac fiiriyo waxa ka yeerta shanqar uu maqli karo qofka ill 2 mitir ii jira.
3) mararka qaar wey takaateysmataa sidii inuu muruq ku jiro oo kale, lakin qoortoo dhan ma wada takaateysmato ee 1dhinac ayey diideysaa oo hadaan u jeesto ey aad ii xanuuneysaa.
4) daliiga ama riixriixida intaas la wado waan ku nafisaa oo waan rabaa, lakin markii gacanta laga qaado waxan dareemayaa ineysan waxba iisoo kordhin.
Asbaabaha cudurka keena ee darsiga ku jirana waxan aad uga shakisanahay qodobka ah: culeys saar, gaar ahaan fadhi wax lagu aqriyo mudo dheer iyadoo la fooraro.
Marka Su'aasheydu waxey tahay: "maxaa ila gudboon oo tilaabo aan ku dhaqaaqi karaa hada".

MAHADSANIDIIN MAR LABAAD
WSCWW




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Hadaan qabo Xanuunka Qoor Xanuunka?
« Reply #1 on: December 26, 2018, 09:42:12 PM »
Tallaabada ku xigta markaa intaas oo idil isku aragtay qoraalkaba waan ku xusay taasoo ah in aad dhakhtar u tagtid si sawirka MRI lagaaga saaro qoorta si loo xaqiijiyo xanuunkaaga iyo heerka uu gaarsiisan yahay.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41582
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Garbo xanuun iyo qoor xanuun?

Started by RaaliyoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23879
Last post April 28, 2009, 10:20:49 PM
by Dr.Sharbele
Su'aal:- Qofku inuu Xannuunka Sonkorta Qabo Maka Dareemi Karaa Kaadidda Urkeeda?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 34944
Last post January 06, 2012, 10:02:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hadaan waqti badan ku foororo buug aniga oo aqrinayo?

Started by BunkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3808
Last post February 24, 2016, 01:51:38 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Habaynki hadaan damco in aan xili hore sexdo iga so dhicimayso?

Started by JanaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4138
Last post February 08, 2016, 02:05:43 PM
by SomaliDoc