Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Kaniinka gooryaanka iyo qoyska?

(1/1)

Maxamuud115:
Asc: Kaniiniga gooryaanka ayaan hada ka hore farmashiga kasoo iibsaday lkn waxba iima tarin saan filaayo.
Gooryaanki hada qoyska dhan ayuu ku fiday . Caruurta waxaa u yar wiil 9 bilood jir iyo gabar 2 sana iyo bar jir. Lamadaan ayaana oogu dhib badan 9 jirka miisaankisa ma koro halka gabadha markey dabada cun-cuntaba laga soo qabto gooryaan yar-yar oo cad cad . Mana saaxato gabadha . Dhaqaatirtina waxey nayirahdaan farmashiga kagata daawo .
Farmashiyahana in aan daawo ka iibsano caruurta siino waan ka baqsanahay Ee Maxaadnagula talineysaan?
Hadaan daawo iibsabeynana Daaawo noocee ah ayaan iibsanaa si aan aga daawowna gooryaanba familka weerarka ku haayo .
Mahadsanid

Waxaa  ku salamaya
Maxamuud
oo jooca wadanka Sweden

SomaliDoc:
Faafaahinta gooryaan iyo astaamihiisa ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4410.0
Daawada badanaa waxaa laga gataa farmashiyada, waxaana la dhahaa Mebendazole ama Albendazole, iyagoo hal mar la qaato ayaa jirta qoyska oo idil.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version